Chelsea ayaa isku day xilli dambe ah samayn karta iyadoo u dhaqaaqaysa garabka Shakhtar ee Mykhailo Mudryk oo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Arsenal. (Sun)
Chelsea ayaa diidan inay bixiso lacagta 120-ka Milyan ee euro ah ee lagu jabin karo heshiiska Enzo Fernandez xilli Benfica ku adkaysanayso. (Telegraph – subscription required)
Chelsea iyo Benfica ayaa xalay wadahadalo wakhti dheer ah galay balse wali waxyaabo muhiim ah ayaysan isku raacin. (Fabrizio Romano)
Memphis Depay oo lala xidhiidhinayay Man United ayuu tababaraha Barcelona ee Xavi doonayaa inuu kooxda sii joogo. (Metro)
Manchester United ayaa wali suuqa bishan January iibin karta Aaron Wan-Bissaka walow uu kulamadii ugu dambeeyay bandhig fiican sameeyay. (Athletic – subscription required – via Mail)
Tottenham ayaa Sporting wadahadalo kala yeelatay heshiisyada daafaca midig ee Pedro Porro iyo khadka dhexe ee Marcus Edwards. (Mail)
Newcastle United ayaa soo gabo-gabaysay xiisaheedii weeraryahanka Monchengladbach ee Marcus Thuram xilli tababare Eddie Howe boosas kale diirada saarayo. (Football Insider)
Bayern Munich, Newcastle, Paris St-Germain iyo Liverpool ayaa ku tartami doona saxeexa khadka dhexe ee Monchengladbach ee Manu Kone. (Fabrizio Romano)
Brentford ayaa ku dhaw inay dhammaystirto heshiiska weeraryahanka ree Germany ee Kevin Schade o Freiburg kaga imanaya. (Times – subscription required)
Chelsea, Newcastle United iyo Bayern Munich ayaa xiisaynaya goolhaye Illan Meslier laakiin Leeds United ma doonayso inay iibiso. (RMC Sport – in French)
Leicester City tababaraheeda Brendan Rodgers wuxuu wali rajaynayaa in kooxdu heshiis la gaadhi karto Youri Tielemans oo qandaraaskiisu xagaaga dhacayo. (Goal)
Arsenal diyaar ayay u tahay iibinta Cedric Soares balse heshiis uu Fulham ugu wareegi lahaa ayaa u hakaday sababta mushaharkiisa. (Evening Standard)
Middlesbrough are in talks to sign Aston Villa’s 21-year-old English striker Cameron Archer on loan for the rest of the season. (Teamtalk)
Southampton ayaa ku dhaw inay Dinamo Zagreb 7.5 Milyan pound kagala heshiiso saxeexa weeraryahan Mislav Orsic. (Sun)
Everton daafaceeda Michael Keane ayaa xiisaynaya inuu West Ham United ku biiro.(Givemesport)
Manchester City ayaa qorshaynaysa inay heshiis cusub u bandhigto da’yarkeeda daafaca midig ee Rico Lewis. (Mail)
Daafaca ree Brazil ee Marquinhos ayaa heshiis kordhin u samaynaya Paris St-Germain. (Le Parisien – in French)
Lacib net wrarka an ka helo wa kuwa xaqiiqo ku salesan runti wn idin wata