Enzo Fernandez abaalmarin 2 Milyan oo euro ah ayuu Benfica kaga helayaa inuu qabsoomi waayay heshiiska ay Chelsea ku doonaysay. (Record)
Chelsea xagaaga 53 Milyan oo pound ayay ku iibin kartaa Kai Havertz si ay iskugu dheeli tirto xisaabaadka kooxdeeda. (Sky Germany)
PSG ayaa qorshaynaysa inay bishan January dalab ka gudbiso daafaca PSG ee Milan Skriniar. (Marco Conterio)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay iskaga baxdo tartanka Anthony Gordon halka Newcastle qudheedu aysan doonayn inay da’yarka Everton dagaal dhinaca dalabaadka ah u gasho. (Northern Echo)
Gordon wax codsi bixitaan ah uma gudbin Everton walow uu tababarka ka maqnaa maalmihii ugu dambeeyay. (Sky Sports)
Brahim Diaz ayaa go’aansaday inuu dhalashadiisa Spanish-ka ah u bedesho Morocco. (Lino Bacco)
Newcastle ayaa isha ku haysa garabka Chelsea ee Hakim Ziyech maadaama aysan doonayn bixinta 60-ka Milyan ee euro ee Everton ku doonayso Gordon. (Telegraph)
Atletico Madrid mudo bilooyin ah ayay xiisaynaysay daafaca PSG ee Kimpembe. (Le Parisien)
Chelsea ayaa kor u qaaday isku daygeeda saxeexa khadka dhexe ee Everton ee Amadou Onana iyagoo u arka midka ku haboon haddii ay heli waayaan Enzo Fernandez iyo Moises Caicedo midkoodna (Times – subscription required)
Everton wadahadalka ay ku doonayso tababare Marcelo Bielsa ayaa meel hakad ah gaadhay, tababarihii hore ee Southampton ee Ralph Hasenhuttl ayaa ah macalin kale oo bartilmaameed u ah.(Independent)
AC Milan ayaa ah mid kamida kooxaha indho-indhaynaya daafaca Man City ee Joao Cancelo. (Sun)
Tottenham ayaa ku dhaw inay dhammayso saxeexa daafaca midig ee Pedro Porro oo kaga imanaya Sporting. (Guardian)
Everton ayaa isha ku haysa weeraryahan Marko Arnautovic oo ka tirsan Bologna. (Telegraph)
Brighton daafaceeda midig ee Tariq Lamptey ayaa suuqan ka tagi kara kooxda iyadoo Lyon xiisaynayso (Fabrizio Romano)
Barcelona ayaa xagaaga iibin karta Ferran Torres oo sanad kahor kaga yimid Man City. (Sport – in Spanish)