Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Jimce Ah

Suuqa iibka

Leicester City ayaa diyaar u ah inay tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Brendan Rodgers wakhti dheeri ah siiso si uu shaqadiisa u badbaadsado, dareenka soo dhawayneed ee uu jamaahiirta kala kulmo kulanka ugu soo horreeya ee Nottingham Forest ayaa muhiim u noqon kara go’aanka mustaqbalkiisa. (The Athletic – subscription required)

Wadahadalada heshiis kordhinta ee Everton ka doonayso Anthony Gordon ayaa meel fiican maraya, 21 sano jirkaas oo Chelsea lala xidhiidhinayay ayaa mushahar kordhin weyn loo samaynayaa. (inews – subscription required)

Manchester United tababaraheeda Erik Ten Hag ayaa kulamada bisha October ku go’aamin kara mustaqbalka xiddiga khadka dhexe ee Donny van de Beek. (Manchester Evening News)

Advertisements

Mauricio Pochettino wuxuu shaqo koox weyn ka sugi doonaa England, Spain amaba Italy isaga oo diiday inuu qabto shaqada Nice. (Evening Standard)

Tababarihii hore ee Bournemouth ee Scott Parker ayaa kamida liiska macalimiinta qaban kara Nice. (Foot Mercato via Sun)

Hazard ayaa sheegay in wakhtigiisa Real Madrid yahay mid wanaagsan balse uu doonayo wakhti ciyaareed midkiisa haatan ka badan. (Marca)

South Korea daafaceeda dhexe ee Kim Min-jae oo Man United lala xidhiidhinayay ayaa heshiiskiisa Napoli 50 Milyan oo euro lagu jabin karaa, qoddobkaas ayaa dhaqan gali doona kaliya xagaaga dambe ee maaha suuqa January. (Gianluca Di Marzio)

Barcelona ayaa haysan doonta qoddob dhigaya inay kansasho heshiiska Gerard Pique haddii uu ciyaaro 35% wax ka yar kulamadeeda xilli ciyaareedkan. (Mundo Deportivo)

Dybala ayaa sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ee Juventus ay ku adkaayeen heshiiskii uu ugu wareegay AS Roma-na yahay mid u wanaagsanaa. (ESPN Argentina, via Football Italia)

AC Milan mulkiilaheeda Gerry Cardinale ayaa ku laaban doona magaalada Milano bisha October isagoo muhiimada koowaad siinaya heshiis kordhinta Rafael Leao iyo tababare Stefano Pioli. (La Gazzetta dello Sport, via Football Italia)

Callum Hudson-Odoi ayaa soo jiidanaya indhaha caalamka isaga oo ka ciyaaraya booska No.10 oo uu afar kulan ugu soo bilawday kooxda uu Chelsea amaahda ugaga maqan yahay ee Bayer Leverkusen. (The Athletic – subscription required)

Paris St-Germain heshiiskii bilaashka ahaa ee ay kula saxeexatay Lionel Messi ayaa kooxda  ilaa haatan dhaqaale ahaan 700,000 oo euro u keentay. (El Economista via Mirror)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada