Chelsea ayaa AS Monaco kala heshiisay qiimaha daafaca dhexe ee Benoit Badiashile. (The Athletic – subscription required)
Manchester United iyo Chelsea ayaa dagaal dhinaca dalabaadka ah ku gali kara saxeexa daafaca midig ee Inter Milan ee Denzel Dumfries. (Marco Barzaghi, via Express)
Shakhtar Donetsk garabkeeda Mykhailo Mudryk ayaa heshiis shaqsi ah oo shan sano ah la gaadhaybArsenal. (Sport Arena)
Chelsea ayaa qorshaynaysa inay wadahadalo dheeraad ah Benfica kala yeelato khadka dhexe ee Enzo Fernandez. (Metro)
Manchester United ayaa indho-indhaynaysa weeraryahanka Borussia Monchengladbach ee Marcus Thuram oo heshiiskiisu xagaaga dhacayo. (Daily Mail)
Arsenal ayay macquul tahay inay awoodo saxeexa Youri Tielemans maadaama Leicester City ay dalab 20 Milyan oo euro ah ka gudbisay bedelkiisa Azzedine Ounahi oo Angers iyo Morocco ka tirsan. (Express)
Everton ayaa xiisaynaysa garabka kooxda Man United ee Anthony Elanga. (Football Insider)
Arsenal ayay macquul tahay inuu ka tago weeraryahan Folarin Balogun iyadoo AC Milan xiisaynayso da’yarka wacdaraha ka dhigaya Reims. (CalcioMercato – in Italian)
Borussia Monchengladbach 21 sano jirkeeda khadka dhexe ee Kouadio Kone oo Newcastle hore bartilmaameed ugu ahaa ayay sidoo kale xiisaynaysaa Paris St-Germain. (Media Foot – in French)
Manchester United ayaa raadin karta goolhaye cusub kaddib markii ay Newcastle dib ugu wacday Martin Dubravka oo amaah kula joogay. Mirror)