WAA WAREEY!! Taageereyaasha Oo Mar Kale Weeraraya Old Trafford Haddii Kulankii United vs Liverpool Lagu Ciyaaro

Manchester United ayaa adkayn doonta ammaanka garoonka Old Trafford marka la muddeeyo kulankii toddobaadkan baaqday ee ay la ciyaari lahayd Liverpool, taas oo taageereyaal cadhaysan ay gudaha u galeen Old Trafford, isla markaana ku qasbay in ciyaarta la baajiyo.

Red Devils ayaa mar kale helaysa warar madax xanuun ah, waxaana lagu wargeliyey in taageereyaashu ay mar kale qorshaynayaan in ay mudaharaadyo waaweyn sameeyaan oo ay mar kale dariiqyada ka xidhaan ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester United iyo Liverpool oo la filayo in toddobaadka dambe ay ciyaaraan.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in taageereyaasha mayalka adag ee Manchester United ay diyaar u yihiin in ay joojiyaan ciyaartaas, laakiin kooxdu ay samaynayso diyaar garow iyo in ay amniga si adag u sugto.

United ayaa ka walaacsan in weerar noocii oo kale ah uu dhici doono, taasina ay halis gelin karto in kulanku mar labaad qabsoomo.

Manchester United ayaa waajihi karta ganaax iyo in dhibcaha laga qaado haddii sida la sheegay ay mar kale taageereyaasheedu sabab u noqdaan in ciyaarta la joojiyo.

Shaqaalaha Manchester United ayaa hore loogu eedeeyey in ay qayb ka ahaayeen mudaharaadka oo ay albaabada u fureen taageereyaashii bannaanka joogay, si ay gudaha ugu galaan Old Trafford, laakiin war-saxaafadeed ay kooxdu soo saartay ayay ku beeniyeen in arrintaasi dhacday.

“Wararka la isla dhex-marayo ee baraha bulshada dhex socda ee sheegaya in taageereyaashu ay garoonka kasoo galeen albaabada oo ay shaqaalaha kooxdu u fureen, gebi ahaanba sax maaha.” Ayey Man United tidhi.

Si kastaba, waxa jirta cabsi laga qabo in kulankaas ay mar kale ka dhacaan rabshado, iyadoo Premier League iyo FA ay baadhitaan ku wadaan in Manchester United ay dhahyalsi samaysay, amaba ay sababteeda  darteed ciyaartaasi u baaqatay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*