Liverpool Oo Daafac Adag La Heshiisay, Koox Mohamed Salah Qorshaysatay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Manchester City ayaa tixgelin doonta inay u dhaqaaqdo 22 sano jirka khadka dhexe ee West Ham United ee Declan Rice haddii Fernandinho oo 36 sano jir ahi uu kooxdeeda ka tago xagaaga. (Times – subscription required)

Liverpool ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Ibrahima Konate, daafaca kooxda RB Leipzig ayaa la filayaa inuu Reds heshiis shan sano ah ugu soo biiro. (TalkSport)

Mohamed Salah ayaa doonaya inuu Liverpool iskaga tago, kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa isha ku haysa dalab ay 28 sano jirkaas ka gudbiso haddii uu Kylian Mbappe ka dhaqaajiyo. (Le Parisien – in French)

Dhinaca kale PSG ayaa sidoo kale daafaca doonaysa inay iska xoojiyo iyaga oo xiddig ay xagaaga bar-tilmaameedsan karaan u arka Serge Aurier oo Tottenham ka tirsan. (RMC Sport – in French)

West Ham ayaa Chelsea iyo kooxo kale oo badan kula biirtay tartanka loogu jiro weeraryahanka Brentford ee Ivan Toney oo 35 Milyan oo pound lagu heli karo. (Sun)

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa kooxdaasi sii joogi doona xataa haddii ay awoodi weydo inay Champions League usoo baxdo sida uu wakiilkiisu sheegay. (Sky Sport Germany, via Mirror)

Tottenham ayaa wadahadalo booskeeda tababarenimo ee banaan ah la yeelatay Antonio Conte, wadahadalkaas ayaa yimid kaddib markii macalinkaasi Inter Milan ku hoggaamiyay horyaalka Serie A markii ugu horreysay 11 sano kaddib. (Corriere dello Sport, via Express)

Jose Mourinho ayaa halyeeyga kooxda AS Roma ee Daniele de Rossi weydiisan kara inuu tababare ku xigeen uga noqdo kooxdaas marka uu xilli ciyaareedka dambe si rasmi ah ula wareego. (Calciomercato – in Italian)

Mourinho ayaa isku dayi doona inuu kooxdiisii hore ee Tottenham weerar ku qaado oo uu kala saxeexdo Lucas Moura iyo Erik Lamela. (Football.London)

Julian Nagelsmann ayaa Bayern Munich marka uu la wareego xilli ciyaareedka dambe doonaya saxeexa daafaca midig ee Inter Milan ee Achraf Hakimi. (Express)

Lazio ayaa isha ku haysa inay heshiis laba sano ah siiso khadka dhexe ee Manchester United ee Juan Mata oo 33 sano jir ah. (Il Tempo – in Italian)

Atletico Madrid ayaa xiisaynaysa inay la saxeexati 18 sano jirka ree Argentina ee Facundo Farias oo khad dhexe ah isla markaana kooxdiisa CA Colon 9 Milyan oo pound lagaga heli karo.. (AS – in Spanish)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*