YAAB: Mid Shiishad Cabayay Iyo Mid…… – Laba Xiddig Oo Atletico Ah Oo Sawiro Lagu Xaday Maalmo Kahor Kulanka Adag Ee Barcelona

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada oo ahaa xiddigaha Atletico Madrid ee goolhaye Jan Oblak iyo daafaca dhexe ee Savic ayaa qas ka abuuray kooxdaas.

Labada xiddig ayaa kasoo muuqday xaflad iyaga oo aan ixtiraamayn sharciyada xanuunka Korona Fayras isla markaana aan xidhnayn af-saab sidoo kalena qiijinayay walxo kala duwan.

Pictures of Oblak and Savic have done the rounds on social media. Instragran/paulitaagimenez

Goolhayaha iyo daafaca dhexe ee Rojiblancos oo ku raaxaysanayay mid kamida maalmaha fasaxa ah ee ay toddobaadka ku leeyihiin ayaa kasoo muuqday akoono badan oo instagram ah kahor inta aan la tir-tirin sawirada.

Waxa ugu halista badan ee muuqaalada iyo sawirada laga qaaday Stefan Savid iyo Jan Oblak ayaa ahaa in Savic uu sigaar cabayay halka Oblak uu ahaa mid shiishad dhuuqayay.

Sawiraddan ayaan ahayn kuwo kaliya muujinaya in xiddigaha Atletico Madrid ay baal-mareen sharciyada Korona Fayras balse sidoo kale aan anfacayn kooxda tababare Diego Simeone ee Sabtida la balansan Barcelona ciyaar udub dhaxaad u ah tartanka horyaalka La Liga.

Wakhti xaadirkan Atletico Madrid ayaan wax warbixin ah kasoo saarin dhacdadaas si lamid ah labada ciyaaryahan balse caddaymaha ayaa ahaa kuwo baraha bulshada deg-deg ugu faafay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*