DEG-DEG: Guuleystaha Xiddiga Sanadka Ee La Liga Oo Lagu Dhawaaqay Xilli Messi, Suarez & Benzema Dhammaan Lagu Garaacay

Maamulka horyaalka La Liga ayaa ku dhawaaqay guuleystaha abaalmarinta xiddiga sanadka ee horyaalkaasi iyaga oo si lama filaan ah u wada diiday Lionel Messi, Karim Benzema iyo Luis Suares dhammaantood.

Guuleystaha ayaa ah goolhayaha ree Slovenia iyo kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak kaas oo dhammaan kulamadii xilli ciyaareedka ee horyaalka usoo ciyaaray kooxdiisa oo La Liga kaga soo guuleysatay Real Madrid iyo Barcelona.

Image

28 sano jirkaas ayaa kaliya 25 gool laga soo dhaliyay 38 kulan oo uu soo ciyaaray waxaana uu ahaa goolhayaha ugu rekoodhka fiican La Liga xilli ciyaareedkaas soo dhammaaday.

Oblak ayaa 18 kulan shabaq nadiif ah kusoo baxay xilli ciyaareedka isaga oo soo sameeyay badbaadinaha ugu badan horyaalka kaddib 103 badbaado oo uu xilli ciyaareedka isku soo muujiyay.

Goolhaye Jan Oblak ayaa ahaa goolhayaha boqoleyda ugu fiican haysta dhinaca badbaadinaha maadaama oo uu 80% kamida kubaddaha lagu laagay badbaadiyay.

Intaas waxa dheer in goolhayaha Rojiblancos uu badbaadiyay saddex kamida afar rekoodhe oo xilli ciyaareedka lagu laagay.

Xiddiga booska labaad ku dhammaystay tartanka abaalmarintaas ayaa ah Lionel Messi oo markale kusoo guuleystay abaalmarinta gool dhalinta.

Marka laga yimaado inuu xilli ciyaareed adag soo qaatay, Messi ayaa 35 kulan oo horyaalka ah 30 gool kasoo dhaliyay isaga oo markii 8-aad qaab rekoodh ah ugu guuleystay abaalmarinta Pachichi ee gool dhalinta.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*