YAABKA YAABKII: Sababta Ay Atletico Madrid Uga Baxday Saxeexa Boubakar Kamara Oo Aston Villa Ku Biiray Oo La Ogaaday

Advertisements

Heshiiska uu Boubakar Kamara ugu wareegay kooxda Aston Villa ayaa hadal hayn badan ka dhex galiyay dalka Spain maadaama oo si weyn loola xidhiidhinayay heshiiskiisa Atletico Madrid.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sababta uu ciyaartoy koox booska 14-aad kaga dhammaysatay horyaalka Premier League uga doortay mid saddexaad ka gashay La Liga oo xilli ciyaareedka dambena ka ciyaaraysa Champions League.

Advertisements

Haatan sida uu sheegayo saxafi Daniel Riolo oo ka hawl-gala RMC Sports, arrimaha ayaa si ka duwan sidii ay Atletico filaysay u dhacday.

Riolo ayaa sheegay in agaasimaha ciyaaraha Atletico ee Andrea Berta uu gurigiisa ugu tagay Boubakar Kamara balse uu kala soo kulmay dhaqan uusan jeclaysan oo sababay inuu saxeexiisa ka laabto.

Advertisements

Saxafiga ayaa sheegaya in Kamara uu kusoo dhaweeyay Berta gurigiisa isaga oo xidhan surwaal gaaban isla markaana kabo la’aan ah oo ay waliba la joogaan saddex kamida asxaabtiisu taas oo dhalisay in uu agaasimaha Atleti shaki galiyo hab-dhaqankiisa iyo haddiiba uu leeyahay shaqsiyad uu ugu ciyaari karo Diego Simeone.

Mundo Deportivo oo ah il-wareedka xogtan kasoo xigtay RMC Sports ayaa sidoo kale sheegaya in Kamara uu warkaas ku beeniyay intii uu ku jiray shirkiisii jaraa’id ee Aston Villa saxeexiisa kusoo bandhigaysay.

Sheekadan ayaa haddiiba ay run tahay muujinaysa qaabka uu agaasime Andrea Berta u qiimeeyo nooca saxeexyada uu doonayo inuu Wanda Metropolitano keeno.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada