YAAB: Romelu Lukaku Oo Ilmada Ceshan Kari Waayey Xalay – Maxaa Ku Dhacay?

Advertisements

Xiddiga reer Belgium ee Romelu Lukaku ayaa xalay ilmada xajisan waayey markii ay labada kooxood ee Inter Milan iyo Chelsea ay ku heshiiyeen in uu dib ugu laabto San Siro Stadium oo uu sannad amaah ah ugu soo ciyaaro.

Weeraryahankan 29 jirka ah ayaa hoos u dhigay mushaharkiisa si ay Inter Milan dib ugula saxeexato sannad kaddib markii ay £97.5 milyan oo Gini kaga iibiyeen Chelsea.

Advertisements

Laacibkan ayaa sidii uu filayay aanay wax u noqonin, waxaana uu saldhigi waayay Stamford Bridge oo 26 ciyaarood oo Premier League ah oo uu saftay uu u dhaliyey siddeed gool oo kaliya, waxaana kaydka u diray tababare Thomas Tuchel oo aan ku qancin qaab ciyaareedkiisa.

Iyadoo uu xilli ciyaareedku socdo ayaa uu warbaahinta u sheegay in uu doonayo inuu ku noqdo Inter Milan, waxaanay taasi cadho badan ku abuurtay taageereyaasha Chelsea maadaama ay bilo ka hor uun kooxdoodu kasoo bixisay £97.5 milyan oo Gini oo uu noqday ciyaartoyga labaad ee ugu qaalisan taariikhda horyaalka Premier League.

Advertisements

Salaasadii ayay labada kooxood ee Inter Milan iyo Chelsea ay ku heshiiyeen in Lukaku uu amaah ugu wareego San Siro, iyadoo Nerazzurri bixinaysa £7 milyan oo Gini oo ah lacagta amaahda iyo sidoo kale mushaharkiisa oo isagana uu aad hoos ugu dhigay laacibkani.

Sida uu sheegay wargeyska Gazzetta dello Sport, Lukaku ayaa oohin qabsaday oo ilmeeyey markii loo sheegay in labada kooxood ay heshiis gaadheen, waxaanu si aad ah ugu farxay in loo ogolaaday inuu mar kale ka ciyaaro oo uu dib ugu noqdo horyaalka Serie A oo xilli-ciyaareedkiisii ugu dambeeyey uu ka dhaliyey 24 gool, kuna guuleystay koobka, ka hor intii aanu Chelsea tegin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada