YAAB: Liverpool Oo Xataa Salah Inuu Baxo Diyaar U Ah, Qiimaha Ay Ku Iibinayso & Qorshaha Real Madrid

Advertisements

Maalmo kaddib markii ay fasaxday Sadio Mane oo aad muhiim ugu ahaa weerarkeeda, Liverpool ayaa sidoo kale diyaar u ah inay dirto Mohamed Salah.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska The Sun, Liverpool ayaa diyaar u ah inay dirto Salah iyadoo dhagaysan doonta dalabaadka 60-ka Milyan ee pound gaadhsiisan.

Advertisements

Salah oo 30 sano jir ah ayaa galaya sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiska uu ku joogo Anfield walina wax isfaham ah lagama gaadhin qandaraas kordhin.

Sida ay warbixintu sheegayso, Real Madrid oo uu hoggaan u yahay tababare Carlo Ancelotti ayaa isha ku haysa xaalada Salah iyadoo ka fikiraysa inay dalab ka gudbiso.

Advertisements

Mohamed ayaa doonaya mushahar 400,000 oo pound ah toddobaadkii si uu usii joogo Liverpool waana lacag aad uga badan mida uu haatan qaato oo 200,000 lagu sheegay.

Liverpool ayaa lasoo saxeexatay weeraryahan Darwin Nunez sidoo kalena haysata Roberto Firmino, Diogo Jota iyo Luis Diaz balse waayitaanka Salah ayaa dhirbaaxo weyn ku noqon doonta weerarkeeda.

Xilli ciyaareedkii tagay ayuu Salah 31 gool iyo 16 caawimo kasoo sameeyay 51 kulan oo uu tartamada oo dhan kusoo metelay Reds.

Tan iyo markii uu Liverpool kusoo biiray sanadkii 2017, Salah ayaa Reds lasoo qaaday Premier League, Champions League, FA Cup, Carabao Cup, Club World Cup iyo UEFA Super Cup.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada