YAAB! Jurgen Klopp Oo Ka Mid Noqday Shanta Tababare Ee Ay Barcelona Kala Dooranayso

JurgenKlopp,PirloandKoeman Laacib
Advertisements

Magacyada shanta tababare ee ay Barcelona doonayso inuu midkood noqdo beddelka Ronald Koeman oo la filayo in shaqada laga caydhiyo toddobaadka soo socda ayaa la ogaaday, waxaana si lama filaan ah uga dhex  muuqday Jurgen Klopp.

Warbaahinta Spain ayaa soo bandhigtay magacyada tababareyaasha saaran miiska Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta, laakiin waxa uu marka  hore diyaarinayaa lacagtii ay ahayd inuu siiyo Ronald Koeman haddii uu shaqada ka caydhiyo.

Advertisements

Barcelona a 1

Sida uu dhigayo heshiiska uu Koeman kula jiro Barcelona, waa inuu helo lacag gaadhaysa 6 milyan oo Euro haddii shaqada laga eryo isagoon dhamaysan waqtigii uu dhigayay heshiiskiisu, taas oo iyaduna dhibaato ku ah Barcelona.

Kaddib guul-darradii Barcelona kasoo gaadhay Benfica oo xalay 3-0 ku garaacday iyo Bayern Munich oo uga  horreysay oo natiijadan oo kale ku bahdishay, waxay kooxdu gaadhay heer ay qasab tahay in isbeddel dhaco, haddii kale waxay xilli-ciyaareedkan ku dhamaysan doonaan meel aan la qiyaasi karin.

Advertisements

Wargeyska El Nacional ayaa waxa uu daabacay magacyada tababareyaasha shanta ah ee Barcelona ay doonayso, waxaana ku jira Jurgen Klopp oo Liverpool heshiis kula jira isla markaana  ay adag tahay inay xilligan sinaba ku helaan.

Waxa kale oo liiska ku jira Erik ten Hag oo ah tababaraha kooxda kubadda cagta Ajax iyo halyeygii hore ee Barcelona iyo xulka Spain ee Xavi Hernandez oo hadda macallin u ah kooxda reer Qatar ee Al Sadd.

Robert Martinez oo xulka qaranka Belgium tababare u ah ayuu isagana magaciisu saaran yahay miiska Joan Laporta, waxaana qofka ugu dambeeya liiskan uu yahay Andrea Pirlo oo Juventus ay shaqada ka caydhisay dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA