YAAB: Ciyaartoyda Atalanta Oo LIX Jeer Hurdada Laga Kiciyey, Lagana Sasiyey Xalay Ka Hor Kulanka Man United Ee Old Trafford

Advertisements

Ciyaartoyda kooxda kubadda cagta Atalanta oo xalay seexday magaalada Manchester ayaa LIX jeer hurdada laga toosiyey iyagoo laga sasiyey saqdii dhexe iyagoo ku dhowaaday inay dibedda uga cararaan hotelka.

Atalanta ayaa shalay soo gaadhay magaalada Manchester oo ay caawa kula ciyaarayaan Manchester United kulankooda koowaad ee laba  ciyaarood oo isku xigi doona oo midba garoon la tegayo, waxaanaay dageen hotel-ka ‘five-star’-ka  ah ee Raddison hotel, hase yeeshee uma ahayn meel ay ku ladeen.

Advertisements

Kooxda Talyaaniga ayaa waxa lix jeer lagu shiday alarm qaylo dheer oo ka baxay hotelka kaas oo ka toosiyey hurdada iyadoo looga dhigayo sidii uu dab ka kacay hotelka, taas oo ku keentay khalkhal ciyaartoyda iyo xaasaskooda weheleinayay.

Alarm-ka ayaa la shiday markii ay saacaddu maraysay 4:51am, 5:00am, 5:36am, 6:11am, 6:31am iyo 7:13am. Ma jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday hotelka  laakiin waxay ahayd badheedh iyo in ciyaartoyda hurdada loo diido, sida ay warbaahinta u sheegeen.

Advertisements

Xaaska  laacibka khadfka dhexe uga ciyaara Atalanta ee RuslanMalinovskyi ayaa barteeda Instagram soo dhigtay qoraal cabasho ah oo ay ku sheegay in argagixiso lagu riday, loona diiday inay seexdaan ciyaartoyda, xaasaskooda iyo shaqaalaha la socday.

Si kastaba, Manchester United ayaa markeeda u safri doonta Talyaaniga waxaanay November 2 iska xaadirin doontaa magaalada Bergamo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA