XOG BUUXDA: Shanta Xiddig Ee Ballon d’Or Ka Dhaxayso, Midka Ugu Cad-Cad, Ragga Is-Waayi Doona & Faah-Faahin La Helay

Wargeyska French-ka ah ee L’Equipe oo saadaaliyay shanta xiddig ee ugu cad-cad hanashada Ballon d’Or ayaa aaminsan in Neymar oo Paris Saint-Germain ka tirsani uu ku dhibtoon doono inuu wax codad ah helo.

Abaalmarintaas sumcada weyn leh ayaa gabi ahaanba la kansalay sanadkii hore ee 2020 sababtoo ah caabuqa Korona Fayras balse sanadkan ayaa dib loogu qaban doonaa magaalada Paris gaar ahaan Theatre du Chatelet oo ay 29-ka November ka dhacayso.

Image

Wargeyska ayaa shanta xiddig ee ugu cad-cad abaalmarinta sanadkan u doortay Lionel Messi, Karim Benzema, Jorginho, Robert Lewandowski iyo Cristiano Ronaldo.

Xiddigaha Manchester City ee Ruben Dias iyo Kevin De Bruyne oo lagu daray labaleyda England ee Harry Kane iyo Raheem Sterling ayay macquul tahay inay booska Neymar sii fogeeyaan.

Messi ayaa kusoo guuleystay Copa America iyo Copa Del Rey, Jorginho ayaa soo qaaday Champions League iyo Euro, Lewandowski iyo Benzema ayaa ahaa weeraryahanada ugu wanaagsan dunida iyadoo waliba Lewy soo qaaday Bundesliga halka Benz uu Nations League lasoo qaaday France, Ronaldo ayaa dhinaciisa soo hantay Copa Italia sidoo kalena ahaa gool dhaliyihii ugu sarreeyay Talyaaniga.

L’Equipe ayaa intaas ku daraya inay xiddiga ugu cad-cad u arkaan Messi halka ay saddexda sarre ku dhammaystireen Karim Benzema iyo Robert Lewandowski.

Lewandowski ayaa shaqsiyan marka ay noqoto ahaa xiddiga ugu fiican dunida labadii sano ee ugu dambeeyay halka Benzema uu soo ahaa ciyaaryahanka ugu wanaagsan horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha kale ee Premier League uu ka xusay L’Equipe ayaa laga tilmaami karaa Cesar Azpilicueta, Kevin De Bruyne, Bruno Fernandes, Ruben Dias, Phil Foden, Harry Kane. Ngolo Kante, Romelu Lukaku, Riyad Mahrez, Mason Mount, Raheem Sterling iyo Mohamed Salah.

Jorginho ayaa noqon kara xiddigii shanaad ee khad dhexe ah ee ku guuleystay abaalmarintaas qarnigan waxaana ka horreeyay Luis Figo, Pavel Nedved, Ricardo Kaka iyo Luka Modric.

Lewandowski oo xilli ciyaareedkii 2019-20 55 gool kasoo dhaliyay tartamada oo dhan ayaa markale xilli ciyaareedkii tagay 41 gool kasoo dhaliyay horyaalka oo kaliya.

Messi ayaa isagu sanadkii hore 47 kulan tartamada oo dhan kusoo dhaliyay 38 gool halka Ronaldo uu 47 kulan isaguna 34 gool kusoo dhaliyay isaga oo gool dhalinta Serie A da’da 36 sano jir kaga qaaday Romelu Lukaku.

 

3 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA