Xiddigii Muslimka Ahaa Ee Koob La’aanta Ka Dhigay Steven Gerard: “Chelsea Kuma Faraxsanayn Inay Disho Riyada Liverpool, Aniguna Fiki Kama Haysan Qiimaha Ciyaartaasi U Lahayd Taageereyaasha”

Chelsea kumay faraxsanayn inay qalbi-jabiso Liverpool oo ay ka joojiyo riyadeedii ahayd inay ku guuleysato horyaalka Premier League sannadkii 2014. Liverpool ayaa ku guuleysan lahayd horyaalka haddii ay ku guuleysan lahayd ciyaartaas, laakiin Chelsea oo ugu timid Anfield ayaa kaga badisay 2-0. Steven Gerrard ayaa siibtay ciyaartaas oo kubbad hortiisa taallay uu ka qaatay Demba Ba kaddibna laga dhaliyey gool.

Demba Ba

Jose Mourinho oo watay Chelsea ayaa sii dheereeyey in Liverpool ay koob la’aan sii ahaa ku dhowaad soddon sannadood iyadoo waqtigaas kaga soo arjarmi lahayd 24 sannadood.

Manchester City ayaa ka faa’iidaysatay lugta la qabtay Liverpool oo horyaalka kaga guuleysatay, waxaana labada gool ee dilay Brendan Rodgers ka  dhaliyey Ba oo goolka hore saxeexay iyo Willian oo midka labaad ku daray iyadoo ciyaartuna ku dhamaatay 2-0.

Demba Ba ayaa waraysi uu siiyey wargeyska The Athletic waxa wax lagaga weydiiyey ciyaartaas taariikhda gashay, waxaana uu ka warramay sidii uu ahaa ‘qolka  lebbiska Chelsea’, kaas oo uu tilmaamay in aanay ka jirin wax farxad ah oo ay ciyaartoydu murugaysnaayeen maadaama ay Liverpool ka joojiyeen riyadii ay horyaalkoodii ugu horreeyey ee Premier League ah ku qaadi lahaayeen. Koobkii ugu dambeeyey ee Liverpool waxa uu ahaa intii aanu horyaalku qaadan magaca Premier League sannadkii 1992kii.

“Dhaawac saamayn ku yeeshay ayay ku ahayd iyaga, laakiin xaqiiqadu waxay tahay, in aanaan anaguna ku faraxsanayn in aanu dilnay riyadooda, kaliya waxa aanu ku faraxsanayn guusha.” Ayuu yidhi Ba.

Laacibkan Muslimka ahi xataa ma aanu la socon qiimaha ay taageereyaasha u lahayd ciyaartaasi, waxaanu yidhi: “Dhawr sannadood kaddib ayuun baan ogaaday qiimaha ay taageereyaasha u lahayd ciyaartaasi, markii ay dadku in badan ka hadleen. Walina way ka  hadlayaan!”

Steven Gerrard ayaa ku riyoonayay inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyey ee Premier League ah xilli ciyaareedkiisa ugu dambeeya ee Liverpool, laakiin waxa uu kaga baxay Anfield kuna soo afjaray waayihiisa isaga oo sabab u noqday goolkii koowaad ee ciyaartaas laga dhaliyey, waxaana isagoo qabsanaya baas loo dhigay la siibtay kabaha, kaddibna Ba ayaa ka hor qaatay kubadda oo dhaliyey. Waa murugo iyo xasuus aan ka  hadhayn waligii isagoon waligiina hantiyin horyaalka Premier League.

Ba waxa uu u ciyaaray Chelsea laba sannadood isagoo si lama filaan ah sannadkii 2012 ay Blues uga soo iibsatay Newcastle, waxaana 51 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 14 gool.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA