Xiddiga Manchester United Ee La Aqoonsan Waayey Markii Uu Isbeddel Yaableh Ku Sameeyey Jidhkiisa

Advertisements

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayay layaab ku noqotay sida uu jidh ahaan isku beddelay xiddigan oo xilli ciyaareedkii tegay kaga maqnaa amaah uu laba kooxood iskugu weydaartay, kaddib markii uu tababare Ole Gunnar Solskjaer uu go’aamiyey in l;oo diro koox uu fursad ka heli karo.

Difaaca reer England ee Axel Tuanzebe ayaa laga qaaday sawir isaga oo ku sugan qolka jimicsiga, waxaana lasoo geliyey baraha bulshada, taas oo keentay in markiiba ay taageereyaasha Manchester United ka sameeyaan falcelin degdeg ah.

Advertisements

Isbeddelka ku dhacay muuqaalkan ayaa waxay keentay in taageereyaasha qaarkood ay u qaataan in uu yahay aktar jila filimada, halka kuwo kalena ay soo qoreen filashooyin ay ka qabaan laacibkan oo ay ka doonayaan in sida uu muuqaalkiisu isku beddelay ee uu u xoogaystay ay ciyaartiisuna isku beddesho oo uu u sameeyo horumar ciyaareed.

Laacibkan ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore waxa uu amaah ugu maqnaa kooxda Talyaaniga ee Napoli, waxaase fursadihiisa dilay dhaawacyo kusoo noqnoqday oo kaliya laba ciyarood uu u saftay kooxdan.

Advertisements

Waxa kale oo uu qaybtii hore ee xilli-ciyaareedkii hore uu ku maqnaa Aston Villa oo uu 11 kulan u saftay ka  hor intii aanay burburin qandaraaskiisa amaahda oo aanay dib ugu celinin Old Trafford.

Tuanzebe ayaa ku jira tiro ciyaartooyo dib ugu soo noqday Manchester United oo uu Erik ten Hag go’aan ka gaadhi doono haddii ay sii joogayaan iyo haddii kale, balse waxa loo badinayaa in Tuanzebe aan mar kale amaah lagu dirayn maadaama ay Manchester United difaaca ka liidato.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada