Xiddigii Uu Xavi Hernandez Sugayey Ee Pedri Oo Garoomada Ka Maqnaan Doona Illaa 2022

Pedri
Advertisements

Tababaraha cusub ee Barcelona ee Xavi Hernandez ayaan awoodi doonin inuu helo laacibka khadka dhexe ee Pedri illaa inta laga gaadhayo sannadka cusub ee 2022. 19 jirkan ayaa dhaawac muruqa ah ku maqan, waxaana la rumaysan yahay inay saamayn ku yeesheen ciyaarihii badnaa ee xilli ciyaareedkii 2020/21 oo uu dheelay 73 kulan, isla markaana uu noqday ciyaartoygii ugu safashada badnaa hal xilli ciyaareed gudaheed.

Pedri ayaa xilli ciyaareedkan dheelay afar kulan oo kaliya, waxaana ugu dambaysay in lagu arko garoomada kulankii Benfica ee Septemer 29. Intii ka dambaysay ciyaartaas oo bahdilaad 3-0 ahi ku dhacday kooxdiisa, waxa uu ku maqnaa soo kabasho qaadan doonta illaa sannadka dambe ee 2022.

Advertisements

Dhakhtarka Barcelona ee Carles Nogueira iyo Xavi Hernandez oo daraaseeyey xaaladda laacibkan ayaa waxay isla qaateen in aan garoomada lagu soo dedejin oo uu maqnaado illaa inta uu si fiican usoo kabanayo.

Laacibkan oo dhowaan ku guuleystay abaal-marinta Kubadda dahabka ah ‘Golden Boy’ ayaanay kooxdiisu heli doonin kulanka Champions League ee Bayern Munich oo ay u baahan yihiin inay helaan adeeggiisa ciyaareed.

Advertisements

Pedri oo 19 jirsaday Khamiista maanta ayaa waxay kooxdiisu xaqiijisay in aanu taam u noqon doonin kulamada kooxdiisa illaa laga gaadhayo bisha January ee sannadka cusub, taas oo ka dhigan inuu ka maqnaanayo kulamada mashquulka ah ee bisha December.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA