Xiddig Weyn Oo Arsenal Bilaash Kaga Tagaya, Real Madrid Iyo Chelsea Oo Heshiis Is-Dhaafsi Ah Samaynaya & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka

Chelsea ayaa wadahadalo aan caadi ahayn la yeelatay Real Madrid oo ay ka doonayso saxeexa Eden Hazard balse kooxda ree Spain ayaa doonaysa in heshiiska lagu daro da’yarka daafaca midig ee Reece James. (El Nacional – in Catalan)

Manchester United ayaa tixgelinaysa inay u dhaqaaqdo kubad bur-buriyaha kooxda Leicester City ee Wilfred Ndidi, (Fichajes – in Spanish)

Suuqa iibka

Liverpool ayaa si dhaw isha ugu haysa xaalada 24 sano jirka Barcelona ee Ousmane Dembele kaas oo aan wali kooxda u ciyaarin tan iyo dhaawacii jilibka ahaa ee ku gaadhay Euro 2020. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tababarihii hore ee Borussia Dortmund ee Lucien Favre iyo Frank Lampard oo Chelsea oo maamulay ayaa ah laba kamida tababarayaasha ay Newcastle United ku bedeli karto Steve Bruce. (Telegraph – subscription required)

Arsenal weeraryahankeeda Alexandre Lacazette ayaan wax dareen ah u qabin inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxda marka heshiiskiisa haatan dhaco. (Football.London)

Aaron Ramsey ayaa aaminsan inuu ku naxiji karo Juventus iyadoo sanad iyo badh ka hadheen heshiiskiisa haatan. (Times – subscription required)

Georginio Wijnaldum ayaa sheegay inuusan si buuxda ugu faraxsanayn Paris Saint-Germain kaliya afar bilood kaddib markii uu kusoo biiray. (Independent)

Kooxda Feyenoord ayaa bisha January isku diyaarinaysa saxeexa 19 sano jirka Man United ee Amad Diallo oo ay amaah ku doonayaan kaddib markii heshiiskii uu ugu biiri lahaa xagaagii uu sababta dhaawac gaadhay u bur-buray. (Sun)

Manchester United ayaa tixgelin doonta inay suuqa January lacag 15 Milyan oo pound ah ku iibiso Jesse Lingard haddii uusan heshiis kordhin saxeexin iyadoo qandaraaskiisa haatani uu dhacayo xagaaga dambe. (Sun)

Juventus ayaa wadahadalo la furtay wakiilka 24 sano jirka Man United ee Donny van de Beek oo ay doonayaan inay bisha January u dhaqaaqaan. (La Stampa via Football Italia)

Juventus ayaa sidoo kale diyaarinaysa inay bisha January heshiis amaah ah ku dalbato 27 sano jirka Manchester City ee Bernardo Silva. (Calciomercato – in Italian)

Ben Davies ayaa aaminsan inuu wali mustaqbal ku leeyahay Liverpool walow uusan wali kooxda u ciyaarin tan iyo bishii February isla markaana uu amaah ugu wareegay Sheffield United. (Liverpool Echo)

Goolhaye David Raya ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Brentford walow uu xiiso ka helay Arsenal iyo Everton. (Cadena Ser – in Spanish)

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA