XASAASI: Miyuu Mbappe Joogi Doonaa PSG Haddii Zidane Tababare Ka Noqdo? Real Madrid Oo Heshay Xogtii Ugu Muhiimsanayd

Advertisements

Mustaqbalka Kylian Mbappe ayaa la filayaa inuu sidan ka cadaan doono bilaha soo socda gaar ahaan in marka la gaadho January uu sharcigu u ogol yahay inuu wadahadalo la yeesho kooxaha kale maadaama qandaraaskiisa Paris Saint-Germin dhacayo June 2022.

PSG ayaa wali doonaysa inay ka saxeexato heshiis cusub waxaana ay jamaahiirta kooxdaasi rajaynayaan inay dhici doonto, waxay raadinayaan maamulka Paris qorshe kasta oo uu Mbappe baaqi kusii noqon karo sida in tababare loo magacaabo Zinadine Zidane oo uu taageere weyn u yahay.

Advertisements

Si kastaba, sida uu sheegayo kanaalka El Chiringuito, imaanshaha iyo magacaabista Zidane ayaan wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aanka Mbappe uu ugu wareegayo Real Madrid si lamid ah sidii uu Lionel Messi ugu sababi waayo inuu bedelo aragtidiisa markii uu xagaagii yimid.

Hammigiisa ah inuu ka baxo Paris Saint-Germain ayaan ahayn mid la xidhiidha deegaanka balse waa mid la xidhiidha qorshihiisa kubadda cagta.

Advertisements

Kaddib markii ay awoodi waayeen inay PSG qanciyaan xagaagii iyaga oo xataa dalab 180 Milyan euro ah u gaadhay ayay Madrid haatan wakhtigeeda sugaysaa gaar ahaan ilaa bisha January.

Real Madrid ayaa ah mid kalsooni weyn ku qabta inay marka la gaadho January ogolaansho ka heli doonto Mbappe oo ay sugi doonaan ilaa xagaaga dambe si ah bilaash ugu helaan.

Advertisements

Zidane and Mbappe

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA