XASAASI: Leeds Oo Samirkii Ka Dhammaaday, Wakhtiga Ay Barcelona U Qabatay & Rajada Chelsea

Advertisements

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa shirkii jaraa’id ee lagu soo bandhigayay Franck Kessie ku muujiyay kalsooni weyn oo ah inay saxeexyo badan samayn karaan balse England ayaan sidaas oo kale laga aaminsanayn.

Kooxda Premier League ka ciyaarta ee Leeds United oo lala xidhiidhinayo xiddigeeda Raphinha dhinaca Barcelona ayaa wakhti u qabatay kooxdaas.

Advertisements

Sida uu sheegayo saxafi Ben Jacobs, Leeds ayaa u qabatay Barcelona kaliya 24 saacadood oo ay tahay inay dalab kaga soo gudbiyaan Raphinha.

Barcelona ayaa wali sugaysa in Ousmane Dembele uu aqbalo dalabka ay heshiiska cusub kaga doonayaan taas oo keenaysa inay gaabis geliyaan oo mudo sugaan u dhaqaaqista Raphinha inay xoojiyaan.

Advertisements

Ben Jacobs ayaa sheegaya in haddii Barca ay dhab u doonayso Raphinha ay tahay inay deg-deg uga hawlgasho arrintiisa xilli ay jiraan kooxo kula tartamaya.

Laporta ayaa shirkii jaraa’id ee Kessie ku sheegay inaysan jirin wax wakhti kama dambays ah oo ay Dembele uga qabteen arrimaha heshiis kordhinta balse haddiiba warka Jacobs uu dhab yahay ayuu kooban yahay wakhtiga ay Raphinha u haystaan.

Raphinha ayay rajo wali ka qabtaa kooxda Chelsea oo iyadu mudo kahor heshiis 60 Milyan oo pound ah la gaadhay Leeds United balse wali aan haysan ogolaanshaha ciyaaryahanka oo isagu Barca niyada ku haya.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada