XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Wadahadalo La Yeeshay Erik Ten Hag & Sababta Uu Man United Uga Tagayo

Advertisements

Hoggaamiyaha kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayay maalmihii ugu dambeeyay soo baxaysaa suurogalnimo uu kaga tagi karo kooxdaas iyadoo ay xogo cusubi qishayaan inuu kulan la yeeshay tababaraha cusub ee Erik Ten Hag.

Ronaldo ayaa xagaagii hore kusoo laabtay Manchester kaddib 13 sano oo uu ka maqnaa balse xilli ciyaareedkiisii koowaad ayaan noqon mid u qabsooma sidii uu filayay.

Advertisements

Ronaldo ayaa Manchester 38 kulan oo uu usoo ciyaaray 24 gool usoo dhaliyay balse United ayaa booska lixaad kaga dhammaysatay Premier League iyaga oo dirqi kaga badbaaday booska toddobaad iyo tartanka UEFA Confrence League.

Sida uu sheegayo haatan wargeyska Portugal caanka ka ah ee Record, Cristiano ayaa wadahadalo wanaagsan dhawr mar la yeeshay tababare Ten Hag balse waxa jirta sabab uu uga dhaqaajin karo Old Trafford.

Advertisements

Sababta uu CR7 uga carari karo United ayaa ah suuqa kooxda oo uu aad uga cadhaysan yahay iyo sida uu dhaq-dhaqaaq la’aanta u yahay ee aysan wali wax saxeex ah u samayn.

Kooxaha ilaa haatan lala xidhiidhinayo Cristiano ayaa laga xusi karaa kooxihiisii hore ee Sporting Lisbon iyo Juventus, AS Roma oo uu maamulo macalinkiisii Jose Mourinho iyo Bayern Munich.

Daafaca Ajax ee Jurrien Timber ayaa la aaminsan yahay inuu diiday u wareegista Man United kaddib markii tababaraha xulka Netherlands ee Van Gaal uu sidaas kula taliyay halka da’yarkii Derby County ee Malcolm Ebiowei uu doortay Crystal Palace.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada