XARAASH: Arsenal Oo Suuqa Dhigtay TODDOBA Ciyaartoy Oo Kooxda Koowaad Ah Oo Uu Ku Jiro Xiddigoodii Ugu Qaalisanaa

Advertisements

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa suuqa dhigtay toddoba ciyaaartoy oo kooxda koowaad ah oo uu ku jiro xiddiga ugu qaalisan taariikhda kooxdaas ee ay Arsenal abid iibsato, kuwaas oo qorshuhu yahay in xagaagan laga diro Emirates Stadium.

Arsenal oo xagaagan suuqa gelisay lacag gaadhaysa £83 milyan ayaa lasoo saxeexatay afarta ciyaartoy ee Gabriel Jesus, Fabio Vieira, Maruqinhos iyo Matt Turnet.

Advertisements

Mikel Arteta ayaa sidoo kale doonaya  in uu hal saxeex oo kale kusoo kordhiyo safkeeda, waxaana u calaamadsan kubbad-sameeyaha Leicester City ee Youri Tielemans haddii ay ku qancin karaan Foxes inay ka iibiyaan laacibkan reer Belgium.

Kaddib markii ay Arsenal gacanta ku dhigtay afarta xiddig ee Gabriel Jesus, Marquinhos, Tarnet iyo Vieira, waxay suuqa iibka ciyaartoyda soo dhigtay toddoba ciyaartoy oo kooxda koowaad ah oo dhamaantood lagu qoray liiska xiddigaha aanu doonayn Mikel Arteta inay sii joogaan Emirates Stadium.

Advertisements

Ciyaartoydan ayaa waxa ugu horreeya Nicolas Pepe oo ah ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda Arsenal iyo goolhayaha reer Germany ee Bernd Leno oo booskiisii goolahayah koowaad uu kala baxay Aaron Ramsdale.

Shanta ciyaartoy ee kale ayaa ah Hector Bellerin oo kasoo laabtay amaah uu xilli ciyaareedkii hore ku joogay Real Betis, Pablo Mari, Ainsley Maitland-Niles iyo Reiss Nelson.

Haddii toddobadan ciyaartoy ay suuq u hesho oo ay iibiso Arsenal, waxay isku dayi doontaa inay u dhaqaaqdo Youri Tielemans oo la rumaysan yahay inay ku heli karayaan £30 milyan oo Gini, kaas oo ay ku tartamayaan Newcastle United oo iyaduna doonaysa inay la saxeexato.

Waxa kale oo uu hunguri ka hayaa Ruben Neves oo khadka dhexe uga ciyaara Wolves oo ay u dhaqaaqi doonaan haddii ay ku guul-darraystaan inay la saxeexdaan Tielemans.

Advertisements

2 Fekradood

  1. Waar dadka beenta ka daaya Xaraash la xaraashayo laacibiintan iyo Youri Telmans in ay la soo saxiixdaan maaha wax isku xidhane

  2. Waar dadka beenta ka daaya Xaraash la xaraashayo laacibiintan iyo Youri Telmans in ay la soo saxiixdaan maaha wax isku xidhane bal halka aad ka soo xigateen warkan nala wadaaga.
    Sheeko aad mirqaan ku soo qorteen baad dadka ku xiijisaane wargeysyada soo akhrista oo warar sugan dadka la wadaaga

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada