Weeraryahanka Real Madrid Doonayso, Xiisaha Chelsea Ee Fofana & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Suuqa iibka
Advertisements

Chelsea ayaa dalabkii koowaad oo 60 Milyan oo pound ah oo ay Leicester City uga gudbisay Wesley Fofana laga soo diiday. (Mail)

Chelsea ayaa haatan ka fikiraysa inay dalab ay horumarisay oo 70 Milyan oo pound ah ka gudbiso Fofana. (Times – subscription required)

Advertisements

Barcelona ayaa rajaynaysa inay Aubameyang u dirto Chelsea. (Mirror)

Forest ayaa dalab midkii hore ee laga diiday ka fiican ka gudbisay khadka dhexe ee Morgan Gibbs-White oo Wolves ka tirsan, dalabkaas ayaa haddii laga aqbalo noqonaya saxeexa rekoodhka ah ee kooxdeeda. (Guardian)

Advertisements

Forest oo suuqan 12 xiddig la saxeexatay ayaa sidoo kale Leicester City kula biirtay tartanka Houssem Aouar. (Foot Mercato – in French)

Tottenham ayaa ku dhaw heshiis 21 Milyan oo pound ah oo ay Leicester City kaga doonayaan Destiny Udogie. (Telegraph)

Manchester United ayaa iskaga dhaqaaqi doonta saxeexa Frenkie de Jong oo Barcelona ka tirsan haddii ay noqoto inay dagaal dhinaca dalabaadka ah la gasho Chelsea. (Mirror)

Burnley xiddigeeda Maxwel Cornet ayaa ku biiraya West Ham United oo bixisay 17.5 Milyan pound-ka heshiiskiisa lagu jabin karayay. (Mail)

Everton ayaa rajaynaysa inay West Ham ku garaacdo saxeexa khadka dhexe ee kooxda Lille ee Amadou Onana kaddib dalab 33 Milyan oo pound ah oo ay ka gudbisay. (Times – subscription required)

Wolves ayaa diyaar u ah inay xagaagan fasaxdo Conor Coady xilli ay Everton xiisaynayso. (Mail)

Lucas Torreira ayaa aqbalay inuu ku biiro Galatasaraay, 5 ilaa 6 Milyan oo pound ayay kooxdaasi ka bixinaysaa. (Fabrizio Romano)

Juventus ayaa xiisaynaysa saxeexa Memphis Depay oo ka tirsan Barcelona. (Sport – in Spanish)

Real Madrid ayaa rajaynaysa in Nice ay soo dhinto 33-ka Milyan ee pound ee ay ku doonayso iibka weeraryahan Amine Gouiri si ay uga iibsadaan xilli ciyaareedka dambena amaah ugu celiyaan. (Sport – in Spanish)

Crystal Palace ayaa xiisaynaysa khadka dhexe ee RB Leipzig ee Ilaix Moriba. (Foot Mercato – in French)

Galtier ayaa saddex saxeex oo kale ka rajaynaya PSG kaddib heshiiska ay ku heleen Renato Sanches. (Sport – in Spanish)

Angelino ayaa ku dhaw inuu ku biiro Hoffenheim isaga oo ka tagaya RB Leipzig walow ay xiisaynayaan Sevilla, Brighton iyo Barcelona. (AS – in Spanish)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada