Khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa ka hadlay diidmadii ay kooxdiisu kala kulantay Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan kaas oo la filayay inuu qaab bilaash ah ugu soo wareego xagaagan.
Mbappe oo mudo dheer lala xidhiidhinayay Santiago Bernabeu ayaa dhawaan soo gabo-gabeeyay wararkaas isaga oo heshiis kordhin saddex sano ah u sameeyay PSG.
Casemiro ayaa sheegay inuu aad u ixtiraamayo go’aanka Mbappe balse fogeeyay wararka sheegaya inay dhirbaaxo culus ku tahay kooxdiisa isaga oo tusaale usoo qaatay rag ka waaweyn oo kooxda ka tagay balse aysan waxba u noqon.
Sidoo kale burburiyaha ree Brazil ayaa sheegay inuu u rajaynayo wanaag oo dhan marka laga yimaado kulamada uu mustaqbalka kahor iman doono Real Madrid.
“Kooxdani ciyaartoy kuma dul noola. Isagu wuxuu sii wadi doonaa inuu guuleysto, tani waa sheekadiisa. Cristiano ayaa tagay, Ramos ayaa tagay Madrid-na waxay sii wadi doontaa inay guuleysato” ayuu yidhi 30 sano jirkaasi.
“Mbappe waa ciyaartoy weyn waana inaad ixtiraamto go’aankiisa. Tani waa noloshiisa, qoyskiisa….waxaan u rajaynayaa inuu si aad u wanaagsan sameeyo marka laga reebo marka uu kahor tagayo Madrid”.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora