“Waxaan Rajaynayaa Inuu Garabkayga Ka Ciyaaro” – Pogba Oo Si Dadban Man United Uga Dalbaday Saxeexa Xiddigii Jamaahiirta Kooxdu Ka Heleen

Pogba

Khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Labile Pogba ayaa si dadban maamulka kooxdaas uga dalbaday saxeexa khadka dhexe ee xulka France iyo kooxda AS Monaco ee Aurelien Tchouameni.

21 sano jirkaas bur-buriyaha khadka dhexe ah ee Monaco ka tirsan ayaa kamida da’yarta loogu doonista badan yahay haatan Yurub waxaana lala xidhiidhinayaa kooxo laga xusi karo Real Madrid, Juventus iyo Chelsea.

Image

Pogba ayaa wacdarro soo dhigay markii ay iska garab ciyaareen Tchouameni Final-kii UEFA Nations League ee ay Spain kaga guuleysteen, bandhigii kulankaas ee Tchouameni ayaa qasbay in taageerayaasha kooxdu ay baraha bulshada ka dalbadaan in la keeno.

Pogba oo la hadlayay RTL ayaa u sheegay inay wax wanaagsan tahay ka garab ciyaaristiisu isla markaana uu yahay ciyaaryahan jidh ahaan iyo farsamo ahaanba aad u wanaagsan.

“Waa mid aad iyo aad u wanaagsan, isagu maaha wiil, waa nin. Waa farxad in laga garab ciyaaraa, waxa uu leeyahay tamar aad u badan, waa mid aan caadi ahayn tayada farsamo iyo jidh ahaaneedba”.

“Waxaanu isaga u rajaynaynaa inuu kulamo badan ciyaaro iyo inaan markasta garabkiisa ahay” ayuu yidhi Pogba oo farriin dadban u diray Red Devils.

Tchouameni ayaa xilli ciyaareedka ku bilawday qaab cajiib ah waxaana uu xulka France u buuxiyay booska uu N’Golo Kante ka dhaawacnaa kulamadii ugu dambeeyay.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegaya in Tchouameni uu bar-tilmaameed weyn u yahay Real Madrid xagaaga dambe si lamid ah Kylian Mbappe.

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA