RIKOODH: Wax Ka Ogow 18 Jirka Barcelona Ee Qandaraaskiisa La Duldhigay HAL BILYAN Euro

Ugu danbeyn war fiican ayaa u soo yeeray Barcelona. Pedri ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu ku sii joogayo Camp Nou.

18 jirka khadka dhexe Pedri ayaa qalinka ku duugay  qandaraas shan sannadood ah oo dhacaya sannadka 20216. Wuxuu berri qaban doonaa shir jaraa’id oo heshiis cusbooneysiintiisa lagu soo bandhigayo.

Pedro

Waxaa durbaba soo baxday faahfaahinta heshiiskiisa cusub iyadoo wariyaha caanka Fabrizio Romano uu sheegay in lacagta lagu burburinayo qandaraaska da’ yarkaan laga dhigay HAL BILYAN euro, iyadoo 600 milyan euro kale lagu daray lacagta haatan lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Pedri oo weli 18 jir ah ayaa noqonaya ciyaaryahankii ugu horeeyay ee bilyan euro lagu xiro qandaraaskiisa. Xiddigii ka horeeyay ee lacagtii ugu badneyd la duldhigay qandaraaskiisa wuxuu ahaa Antoine Griezmann oo aheyd 800 milyan euro.

Barca ayaase heshiis ka saxiixeysa mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka fiican leh.

Sidoo kale waxay ku dhow yihiin inay heshiis cusub ka saxiixaan Ansu Fati iyadoo wadahadalo uu u socdo wakiilkiisa Jorge Mendes.

Waxaa iyagana liiska qandaraas kordhinta ku jira Gavi, Araujo iyo Dembele.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA