Warkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Caawa Oo Sabti Ah

Suuqa iibka
Advertisements

Mulkiilaha cusub ee Chelsea ee Todd Boehly ayaa doonaya inuu lasoo wareego xiddiga Manchester United ee Cristiano Ronaldo, waxaanu toddobaadkan kulan la yeeshay wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes oo ay ka wada-hadleen sidii uu xiddiga Portugal u iman lahaa Stamford Bridge.

Gareth Bale ayaa heshiis la gaadhay kooxda horyaalka Maraykanka ee Los Angeles FC oo uu qandaraas sannad ah u saxeexayo, kaddib markii uu soo dhamaystay sagaal sannadood oo uu usoo ciyaaray Real Madrid oo uu koobab badan kula soo guuleystay.

Advertisements

Arsenal ayaa laga sugayaa inay bixiso lacagta ay kula soo wareegayso xiddiga Manchester City ee Gabriel Jesus iyadoo labada kooxood ay mar horeba heshiis ka gaadheen iibka laacibkan. Mikel Arteta ayaa sugi kari la’ inta uu Jesus soo gaadhayo Emirates Stadium.

Chelsea waxay u dhowdahay saxeexa xiddiga reer England ee Raheem Sterling, waxaana arrintiisa si gaar ah masuuliyaddeeda u qaatay Thomas Tuchel oo ku lug leh wada-hadallada laacibkan. Man City oo dalbanaysa illaa 70 milyan oo Euro ayaa ah caqabadda kaliya ee ay waajahayso Chelsea, waxaanay doonayaan in qiimaha ay City hoos u dhigto.

Advertisements

Antonio Conte ayaa kalsooni buuxda ku qaba in ay kooxdiisu la saxeexan doonto difaaca Barcelona ee Clement Lenglet oo uu tababare Xavi Hernandez u sheegay in aanu ku jirin qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe. Lenglet ayaa isaguna doonaya inuu ka hoos ciyaaro tababaraha reer Italy, waxaase la sugayaa in labada kooxood ka wada hadlaan lacagta amaahda ah ee laacibkan.

Manchester United ayaa niyad-samaan badan ku qabta inay la saxeexan doonto laacibka khadka dhexe ee Christian Eriksen oo koox la’aan noqday bishan June laakiin ay kooxdiisii hore ee Brentford si aad ah ugu dagaallamayso inay sii haysato.

Angel Di Maria ayaan wali go’aan ka gaadhin mustaqbalkiisa, waxaana uu u dhexeeyaa kooxaha Juventus iyo Barcelona. Wariye Romeo Agresti ayaa se sheegay, in uu u dhow yahay Juventus oo la rumaysan yahay in ay wada-hadallo yeesheen.

Difaaca Barcelona ee Samuel Umtiti waxa uu tegi doonaa horyaallada Talyaaniga ama Faransiiska. Wargeyska L’Equipe oo helay xogta laacibkan ayaa sheegay inuu u dhexeeyo afarta kooxood  ee Marseille, Nice, Roma iyo Lazio, sidoo kale se waxa danaynaysa Fiorentina oo ku doonaysa qaab amaah ah.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada