Warbixin: SADDEX Mar Horeba Baxay, Mid Usbuucan Tegaya, Afarta Ku Xiga Ee Aan Ku Jirin Qorshaha Ancelotti, Saddexda Loo Jabayo Ee Sannadku U Hadhsan Yahay Iyo Xaaladda Dhabta Ah Ee Ciyaartoyda Real Madrid

Advertisements

Kaddib markii ay lasoo wareegtay Antio Rudiger iyo Aurelien Tchouameni, Real Madrid ayaa bilowday hawlgal ay ku xaqiijinayso mustaqbalka Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Eder Militao oo ay qandaraasyo cusub ka saxeexay.

Saddexdan ciyaartoy ee reer Brazil ayay kasii horreeyeen Thibaut Courtois, Fede Valverde, Eduardo Camavinga iyo labada saxeex ee cusub, waxaanay dhamaantood qalinka ku duugayeen heshiis waqti dheer ah oo ay ku sugnaanayaan Los Blancos.

Advertisements

2028: Tchouameni, Rodrygo iyo Militao

22 jirka reer France ee Tchouameni ayaa ah ciyaartoyga ugu heshiiska dheer Real Madrid waqtigan, waxaana uu qandaraaska uu saxeexay soconayaa lix sannadood oo ku eg sannadka 2028.

Labada ciyaartoy ee reer Brazil ee Rodrygo Goes iyo Militao ayaa iyaguna marka ay kasoo laabtaan fasaxa toddobaadkna waxay saxeexi doonaan heshiisyo cusub oo ay kula mid  noqonayaan Tchouameni oo min lix sannadood ah, kaas oo ka dhignaan doona inay Santiago Bernabeu sii joogi doonaan illaa laga gaadhayo sannadka 2028.

Advertisements

2027: Valverde, Camavinga, Vinicius (*)

Saddexdan ciyaartoy ee da’da yar ayaa iyaguna min hal sano oo kaliya ka hooseeya saddexda sare. Valverde, Camavinga iyo Vinicius ayaa ahaa saddex qayb libaax kasoo qaatay guulihii ay Real Madrid gaadhay xilli ciyaareedkii tegay, sida Champions League oo doorkoodu si aad ah u muuqday.

Labada da’yar  ee khadka dhexe ayaa kooxda kusoo kordhiyey tamar iyo dardar badan oo firfircoonaysiiyey dhamaan ciyaartoyda, waxaanay ahaayeen kuwo marka ay soo galaan ay ciyaarta kooxdu dhaqaaqdo, halkaa Vinicius uu 22 gool dhaliyey 20 kalena caawiye ka noqday xilli ciyaareedkii tegay.

Valverde iyo Camavinga mar hore ayaa heshiisyadooda la shaaciyey, waxaanay ku egyihiin illaa sannadka  2027, hase yeeshee Vinicius Junior ayaa isaguna marka uu kasoo noqdo fasaxa uu ku joogo Maraykanka waxa uu saxeexi doonaa qandaraas cusub oo soconaya illaa sannadka 2027 ama 2028.

2026: Courtois, Alaba iyo Rudiger

Alaba iyo Rudiger ayaa si xor ah ugaga soo biiray Real Madrid kooxaha Bayern Munich iyo Chelsea. Difaaca reer Austria waxa uu xagaagii hore saxeexay heshiis shan sannadood ah, halka difaaca reer Germany uu isaguna qandaraas afar sannadood ah qalinka ku duugay.

Hore waxa isaguna heshiis waqti dheer ah u saxeexay Courtois oo sii joogi doona illaa 2026, iyadoo markaas ay da’diisu noqon doonto 34 jir.

Kiisaska badan ee madax-xanuunka ah iyo qandaraasyada dhacaya 2023

Luka Modric ayaa dhowaan saxeexay heshiis cusub oo sannad ah oo soconaya illaa dhamaadka xilli ciyaareedka dhowaanta bilaabmaya, markaas oo da’diisu noqon doonto 37 jir.

Sidaas oo kale, Karim Benzema iyo Toni Kroos ayay iyagana qandaraasyadoodu ku egyihiin dhamaadka xilli ciyaareedka dambe, waxaana u hadhsan min 12 bilood oo kaliya, balse waxa la filayaa inay kooxdu u bandhigi doonto qandaraas cusub oo min hal sano ah oo ay kusii joogaan Santiago Bernabeu, inkasta oo aan la hubin in Kroos uu ogolaanayo iyo inuu bixi doono.

Nacho Fernandez oo isagana heshiiskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ee 2022/23 ayaanay wax caqabad ahi ka taagnayn in uu kordhiyo qandaraaskiisa, balse kuwa ay dhibaatada weyni ka taagan tahay ayaa ah Marco Asensio, Dani Ceballos, Borja Mayoral iyo Mariano Diaz oo xagaagan la filayo inay kooxdu iibiso dhamaantood.

Waxa Real Madrid hore uga tegay Marcelo, Isco iyo Gareth Bale oo ay qandaraasyadoodu dhaceen xagaagan, sidoo kalena waxa la filayaa inuu si xor ah ku tago Luka Jovic.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada