Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa & Waxa Ay Wargeysyada Yurub Qoreen Maanta Oo Khamiis Ah

Suuqa iibka
Advertisements

Manchester United ayaa doonaysa daafaca midig ee kooxda Brighton Tariq Lamptey, Seagulls ayaa 40 Milyan oo pound ku doonaya iibka 21 sano jirkaas. (Mail)

Man United ayaa xidhiidh la samaysay wakiilada khadka dhexe ee kooxda Borussia Monchengladbach ee Denis Zakaria. (Christian Falk – Sport Bild)

Advertisements

Arsenal ayaa Juventus xidhiidh kala samaysay saxeexa khadka dhexe ee Arthur Melo, sidoo kale waxa bartilmaameed u ah Youri Tielemans oo Leicester City qayb ka ah. (Goal)

Gunners ayaa sidoo kale xiisaynaya saxeexa weeraryahanka Fiorentina ee Dusan Vlahovic balse ku dhibtoon doona inay dhaqaale ahaan maalgeliyaan heshiiskiisa bishan. (Sky Sports)

Advertisements

Fiorentina ayaa doonaysa in iibka Dusan Vlahovic ay ku hesho 75 Milyan oo euro oo qadin ah balse Arsenal ayaa doonaysa inay wakhtiyo kala duwan ku bixiso. (Independent)

Paris St-Germain ayaa xiisaynaysa saxeexa Paul Pogba oo Man United ka tirsan, 28 sano jirkaas ayaa isaguna doonaya inuu u dhaqaaqo kooxdaasi ka ciyaarta Ligue 1. (L’Equipe – subscription required)

Aston Villa ayaa ku raadjoogta saxeexa khadka dhexe ee Brighton ee Yves Bissouma. (Telegraph – subscription required)

Ousmane Dembele ayaa ka tagaya Barcelona dhammaadka xilli ciyaareedkan, Man United ayaa xiisaynaysa 24 sano jirkaas garabka weerar. (Mirror)

Burnley ayaa wadahadalo kooxda Lens kala yeelatay khadka dhexe ee Seko Fofana. Leeds iyo Newcastle ayaa sidoo kale 26 sano jirkaas lala xidhiidhinayaa. (Mail)

Newcastle ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Reims oo ay ka doonayaan 19 sano jirka weeraryahanka ah ee Hugo Ekitike oo qudhiisu raba inuu u wareego gobolka Tyneside. (Sky Sports)

Tottenham ayaa rajaynaysa inay Adama Traore kula saxeexato heshiis amaah ah oo ay ku qasban tahay inay xagaaga iibsato balse Wolves ayaa doorbidaysa 20 Milyan oo pound oo toos ah inay ku dirto. (Telegraph – subscription required)

Newcastle ayaa dalab u diyaarinaysa 23 sano jirka khadka dhexe ee RB Leipzig ee Amadou Haidara. (Mail)

Leeds ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca midig ee kooxda Torino ee Ola Aina. (Calciomercato – in Italian)

Newcastle ayaa dalab cusub oo 28 Milyan oo pound ah ka gudbisay Diego Carlos iyadoo hore mid 25 Milyan oo pound ah looga soo diiday. (Talksport)

AC Milan ayaa heshiis amaah ah ku doonaysa daafaca Man United ee Eric Bailly balse kooxdaas ayaa diidan inay fasaxdo. (Times – subscription required)

Juventus ayaa xiisaynaysa inay amaah kula wareegto weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay. (Di Marzio)

West Ham goolhayaheeda Lukasz Fabianski  ayaa heshiis cusub oo hal sano ah u saxeexaya kooxda. (Sun)

Gabriel Barbosa oo ay bishan dalab ka gudbisay West Ham United ayaa u sheegaya kooxdiisa Flamengo inuu doonayo inuu England u wareego. (Sky Sports)

Manchester United ayaa muhiimada koowaad siin doonta inay heshiis cusub ka saxeexato Marcus Rashford oo qandaraaskiisii hore 2023 ku eeg yahay. (ESPN)

Advertisements

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada