Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyadu Ka Qoreen Maanta Oo Jimce Ah

Suuqa iibka
Advertisements

Manchester United ayaa khadka dhexe ee Donny van de Beek u bandhigtay kooxaha Newcastle United iyo Borussia Dortmund. (Manchester Evening News)

Manchester United ayaa boos wanaagsan u joogta saxeexa 25 sano jirka khadka dhexe ee Napoli ee Fabian Ruiz. (La Republica – in Italian)

Advertisements

Manchester United ayaa sii wada inay doorka tababarenimo ee kooxdeeda xidhiidh joogto ah kala samayso tababare Mauricio Pochettino. (Le Parisien – in French)

West Ham’s xiddigeeda Jarrod Bowen ayaa xiisaynaya inuu u wareego kooxda Liverpool oo xagaaga saxeexiisa isha ku haysa. (Football Insider)

Advertisements

Newcastle ayaa aad u doonaysa saxeexa 23 sano jirka khadka dhexe ee Norwich City ee Todd Cantwell. (Rudy Galetti, Calciomercato)

Newcastle ayaa dalab cusub ka gudbisay daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Diego Carlos. (Sky Sports)

Newcastle ayaa loo sheegay inay 37 Milyan oo pound ka bixiyaan 24 sano jirka daafaca dhexe ee Fiorentina ee Nikola Milenkovic. (Sun)

Lille ayaa u sheegtay Newcastle in daafaca dhexe ee Sven Botman uusan iib ahayn balse kooxda ayaa wali xidhiidh la samaynaysa. (Mail)

Tottenham ayaa doonaysa inay iibiso khadka dhexe ee Tanguy Ndombele, kooxda Juventus ayaa u muuqata mid ay u badantahay inuu ku biiro. (Mirror)

Southampton ayaa rajaynaysa inay heshiiska amaahda ah ee Armando Broja oo Chelsea kaga yimid ay rasmi ka dhigto. (Sky Sports)

Borussia Dortmund ayaa xiisaynaysa saxeexa daafaca dhexe ee Chelsea ee Andreas Christensen. (Patrick Berger, Sport1 – in German)

Liverpool tababaraheeda Jurgen Klopp ayaa rajaynaya in Divock Origi uu kooxda sii joogo kaddib suuqan January. (Liverpool FC)

Waxa jirta niyad samaan sii kordhaysa oo ah in Liverpool ay xagaaga la saxeexan karto da’yarka Borussia Dortmund ee Jude Bellingham. (Caught Offside)

Arsenal ayay macquul tahay inay ku dhibtooto heshiiska ay ku doonayso Arthur Melo  maadaama oo aysan Juventus doonayn inay amaah ku fasaxdo 25 sano jirkaas. (DiMarzio – in Italian)

Arsenal ayaa haysata liiska toddoba xiddig oo bartilmaameed u ah oo ay ku jiraan khadadka dhexe ee Youri Tielemans oo Leicester City ka tirsan, Georginio Wijnaldum oo PSG qayb ka ah iyo xiddiga Lyon ee Bruno Guimaraes, 24. (Mirror)

Leicester tababaraheeda Brendan Rodgers ayaa sheegay inuu qorshaynayo mustaqbal la’aanta Youri Tielemans xilli qandaraaska xiddiga ree Belgium dhacayo 2023. (Telegraph – subscription required)

Leicester ayaa rajaynaysa inay mid joogto ah ka dhigto heshiiska amaahda ah ee Ademola Lookman oo RB Leipzig kaga yimid, (Leicester Mercury)

Chelsea ayaa diyaar u ah inay dalab ay horumarisay u bandhigto Antonio Rudiger oo ay heshiis cusub ka doonayaan. (Mirror)

Manchester United daafaceeda midig ee Diogo Dalot ayaa ku jira liiska xiddigaha ay Atletico Madrid doonayso inay ku bedesho Kieran Trippier oo Newcastle ku biiray. (AS – in Spanish)

Aston Villa ayaa xiisaynaysa saxeexa 28 sano jirka goolhayaha kooxda PSG ee Sergio Rico. (Express)

Manchester City ayaa xiisaynaysa 17 sano jirka khadka dhexe ee kooxda Flamengo ee Matheus Franca. (BolaVip – in Portuguese)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada