Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxa Ay Wargeysyada Yurub Qoreen Maanta Oo Arbaca Ah

Suuqa iibka
Advertisements

Borussia Dortmund ayaa toddobaadka dambe la kulmaysa wakiilada weeraryahankeeda Erling Braut Haaland si ay u ogaadaan waxa uu ka damacsan yahay mustaqbalkiisa. (Marca)

Sevilla xiisaheedii weeraryahan Anthony Martial ayaa qaboobay kaddib markii ay awoodi waayeen inay la kulmaan dalabaadka Man United ee heshiiska amaahda ah. (Marca)

Advertisements

Paris St-Germain khadkeeda dhexe ee Georginio Wijnaldum ayaan doonayn ku laabashada kooxdiisii hore ee Newcastle United oo lala xidhiidhinayay. (Football Insider)

Jose Mourinho ayaa la xidhiidhay khadka dhexe ee Tottenham ee Tanguy Ndombele isaga oo ku qancinaya xiddigiisii hore inuu kula soo biiro AS Roma, kooxda Talyaaniga ah ayaa heshiis amaah ah ku doonaysa 25 sano jirkaas. (Telefoot, via Mail)

Advertisements

Marcus Rashford ayaa la filayaa inuu wadahadalo heshiis kordhin ah kahor dhammaadka xilli ciyaareedkan la yeesho kooxdiisa Manchester United. (Mail)

AC Milan ayaa isku dayaysa saxeexa daafaca dhexe ee Man United eeEric Bailly iyadoo sidoo kale Diallo oo PSG ka tirsani dookh kale u yahay. (Fabrizio Romano)

Crystal Palace ayaa Arsenal kula jirta wadahadalo ay ku doonayso saxeexa 22 sano jirka weerarka ee Eddie Nketiah oo heshiiskiisu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan. (Times – subscription required)

Arsenal 20 sano jirkeeda weeraryahanka ah ee Folarin Balogun ayaa heshiis amaah ah ugu wareegaya Middlesbrough. (Sky Sports)

Brighton iyo Newcastle ayaa labaduba qorshaynaya saxeexa Marcos Senesi oo ka tirsan Feyenoord. (Football Insider)

Tottenham ayaa doonaysa saxeexyada daafac midig, khad dhexe iyo weeraryahan kaddib wadahadalo ay yeesheen tababare Antonio Conte, guddoomiye Daniel Levy iyo agaasime Fabio Paratici. (Telegraph – subscription required)

Kingsley Coman ayaa ku dhaw inuu heshiis kordhin u sameeyo kooxdiisa Bayern Munich.(Goal)

Chelsea ayaa ka fikiraysa inay dib ugu wacdo daafaca midig ee Dujon Sterling oo amaah ku jooga kooxda Blackpool balse fursad u haysata ilaa 14-ka bishan January. (Football League World)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada