Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Iyo Waxa Ay Wargeysyada Yurub Ka Qoreen Maanta Oo Arbaca Ah

Suuqa iibka
Advertisements

Man City ayaa heshiis kordhin kula heshiisay Phil Foden oo toddobaadkii 225,000 oo pound qaadanaya Manchester City.(Mail)

Manchester United iyo Chelsea ayaa indho-indhaynaya xaalada Jamie Vardy ee Leicester City xilli hal sano ka hadhay heshiiskiisa Foxes. (90min)

Advertisements

Tottenham ayaa u weecan doonta dhinaca Adama Traore haddii ay awoodi waydo inay AS Roma ka hesho Nicolo Zaniolo. (90min)

Brentford dalab 16.7 Milyan pound ah oo ay ka gudbisay Mikkel Damsgaard ayay soo aqbashay Sampdoria. (Sky Sports)

Advertisements

Koox Saudi Arabia ka ciyaarta ayaa sheegtay in dalab ay ka gudbisay Cristiano Ronaldo ay miiska u saarnaan doonto xiddigaas kaddib koobka aduunka haddii mustaqbalkiisu sidan xal la’aan u ahaado. (CBS Sports)

Manchester City ayaa Anderlecht wadahadalo kala furtay saxeexa daafaca bidix ee Sergio Gomez bedelka Marc Cucurella. (Times – subscription required)

Brighton ayaa bedelka Cucurella u aragta daafaca bidix ee RB Leipzig ee Angelino haddii uu Cucurella ku biiro Chelsea. (Sky Sports Germany, via Mail)

Sergio Aguero ayaa su’aal ka keenay go’aanka ay kooxdiisii hore ee Man City kaga iibisay Chelsea Raheem Sterling. (Metro)

Leicester ayaa diiday dalab 40 Milyan oo pound ah oo ay Newcastle United ka gudbisay James Maddison. (Sky Sports)

Newcastle ayaa sidoo kale bartilmaameed ka dhiganaysa xiddiga kale ee Leicester ee Harvey Barnes. (Guardian)

Leicester daafaceeda Wesley Fofana  ayaa qishay inuu ka tagayo kooxdaas kaddib markii uu magaceeda ka tirtiray barihiisa bulshada, Chelsea ayaa xiisaynaysa. (Leicester Mercury)

Fulham ayaa Man United dalab uga gudbisay daafaca dhexe ee Man United ee Eric Bailly. (Football Insider)

Chelsea ayaa xiisaynaysa daafaca midig ee Southampton ee Kyle Walker-Peters. (Guardian)

Everton ayaan xiisaynaysan saxeexyada Ross Barkley iyo Batshuayi oo Chelsea ka tirsan walow lala xidhiidhinayo. (iSport)

Sevilla ayaa ku dhaw inay Man United amaah kaga qaadato daafaca bidix ee Alex Telles. (Fabrizio Romano)

Chelsea daafaceeda Malang Sarr ayaa doorbidaya inuu Monaco ku biiro bedelka Fulham oo doonaysa. (Standard)

West Ham ayaa markale ku laabatay xiisaha garabka kooxda Burnley ee Maxwel Cornet xilli ay ku dhibtootay inay Eintracht Frankfurt ka hesho Filip Kostic. (Mail)

Juventus ayaa u dhaqaaqi karta saxeexa Kostic. (Calciomercato – in Italian)

Arsenal daafaceeda Pablo Mari ayaa ku dhaw inuu ku biiro kooxda Talyaaniga ah ee Monza. (Mail)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada