Wararka SUUQA: Xiddigaha Newcastle Lagu Dhisayo, Haddii Liverpool Coutinho Soo Celinayso & Barcelona Iyo Milan Oo Xiddig Man United Ah Ku Tartamaya

Suuqa iibka

Newcastle United mulkiilayaasheeda cusub ayaa u jeedsanaya dhinaca Germany iyaga oo doona tababarihii Borussia Dortmund ee Lucien Favre, daafaca dhexe ee Bayern Munich ee Niklas Sule, Timo Werner oo Chelsea ka tirsan iyo Brazilian-ka Barcelona ee Philippe Coutinho. (Bild – in German)

Newcastle ayaa sidoo kale la xidhiidhay wakiilada daafaca dhexe ee Leicester City ee Wesley Fofana oo ay kala hadleen suurogalnimada 20 sano jirkaasi kooxdooda January ugu biiri karo. (RMC Sport – in French)

Suuqa iibka

Barcelona ayaa doonaysa inay bisha January iibiso Coutinho Liverpool ayaana u furan inay dib ula saxeexato. (El Chiringuito TV, via Express)

Juventus khadkeeda dhexe ee Andrien Rabiot ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa Juventus, Juve ayaa 26 sano jirkaas iibin karta si ay uga hesho lacagta ay ugu dhaqaaqayso khadka dhexe ee AS Monaco ee Aurelien Tchouameni amaba Donny Van De Beek oo Man United ka tirsan. (Calciomercato – in Italian)

Paris St-Germain tababaraheeda Mauricio Pochettino ayaa sheegay inay kooxdu samayn doonto waxkasta oo macquul ah si ay Kylian Mbappe usii haysato, heshiiska 22 sano jirkaas ayaa xagaaga dambe dhacaya waxaana lala xidhiidhinayaa Real Madrid. (Marca)

AC Milan iyo Barcelona ayaa hoggaamin doona kooxaha isku dayaya inay qaab bilaash ah kula saxeexdaan Jesse Lingard marka heshiiskiisa kooxdu dhaco xagaaga dambe. (Mail)

Monaco ayaa iibka khadkeeda dhexe ee Tchouameni ku xidhay 60 Milyan oo euro, waxa xiisaynaya Real Madrid, Chelsea, Manchester City iyo Liverpool. (Marca – in Spanish)

Leicester City tababaraheeda Brendan Rodgers ayaa ah bar-tilmaameedka koowaad ee Newcastle haddii ay caydhiyaan Steve Bruce.. (Sky Italy via Mirror)

Brendan Rodgers ayaa la sheegayaa inuu gabi ahaanba mustaqbalkiisa dhaw u huray Leicester. (Telegraph)

Real Madrid ayaa xiisaynaysa saxeexa 28 sano jirka daafaca dhexe ee Chelsea ee Antonio Rudiger, xiddigaasi German-ka ah ayuu heshiiskiisa Blues dhacayaa xagaaga dambe. (Marca in Spanish)

Phil Foden ayaa lagu wadaa inuu Manchester City u saxeexo heshiis cusub oo lix sano ah oo uu toddobaadkii ku qaadan doono £150,000. (Mirror)

Arsenal ayaa dalab 30 Milyan oo euro ah u diyaarinaysa garabka kooxda Club Brugge ee Noa Lang. (Voetbal24 – in Dutch)

Manchester United ayaa dib usoo noolayn karta xiisaheedii daafaca dhexe ee Sevilla ee Jules Kounde kaas oo sidoo kale Chelsea bar-tilmaameed u ah. (Fichajes, via FourFourTwo)

Barcelona ayaa wadahadalo aad u fiican kula jirta 18 sano jirkeeda Pedri oo u saxeexaya heshiis cusub oo shan sano ah oo lacagta lagu jabinayaa ay tahay 1 BILYAN oo euro. (Fabrizio Romano)

Paris St-Germain ayaa xagaaga dambe u dhaqaaqi karta 21 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Fiorentina ee Dusan Vlahovic si ay bedel uga dhigto Kylian Mbappe, Paris ayaa la kulmi doonta tartan maadaama oo ay dhinacooda doonayaan Tottenham, Atletico Madrid iyo Bayern Munich. (Le 10 Sport – in French)

Atletico Madrid tababaraheeda Diego Simeone ayaa sheegay inuu weeraryahankiisa Luis Suarez u diray shaqada ah inuu soo ogaado haddii Lionel Messi uu kooxdooda kusoo biiri karo xagaagii. (Ole, via Mail)

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA