WAR LA SUGAYAY: Maafiyada Taageerta Inter Milan Oo Go’aan Ka Gaadhay Soo Laabashada Lukaku Oo Qaab Xun Uga Tagay

Advertisements

Jamaahiirta mayalka adag ee kooxda Inter Milan ayaa war kasoo saaray soo laabashada weeraryahan Romelu Lukaku oo markale dib ugu biiraya kooxdooda gudaha suuqa xagaagan.

Lukaku ayaa wax ka yar sanad kahor heshiis 115 Milyan oo euro ah ugu wareegay Stamford Bridge balse haatan markale ayuu magaalada Milano heshiis amaah ah oo 8 Milyan oo euro ah ugu laabanayaa.

Advertisements

Lukaku oo la filayay inuu muujiyo awoodiisa ayaa markii labaad waayihiisa ciyaareed ku fashilmay Chelsea isaga oo kaliya 15 gool ugu soo dhaliyay 44 kulan badi kulamadana keydka ku jiray.

Warka soo laabashada Lukaku ee Inter Milan ayaan noqon mid ay ku riyaaqeen taageerayaasha mayalka adag ee kooxdaas ee lagu magacaabo Carva Nord.

Advertisements

“Waxaanu wax ku qaadanay khaayimaadii Lukaku waxaananu dareemaynaa in nala niyad jabiyay, waa la taageeray oo waxaa loola dhaqmi jiray sida boqor oo kale” ayaa lagu yidhi warbixin ay soo saareen Carva Nord oo ay ku sheegeen inaysan soo dhawayn doonin Romelu isla markaana cafin.

Qoraalkooda ayay sidoo kale ku sheegeen inaysan wax boodadh ah kusoo dhawayn doonin Lukaku isla markaana ay tahay inuu isaga oo is dhul dhigaya shaqaysto amaanta iyo soo dhawaynta.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada