WAR CUSUB: Mustaqbalka Kylian Mbappe Oo Waji Cusub Yeeshay, Naxdinta Real Madrid & Farxada PSG

Advertisements

Waxa warar cusubi kasoo baxayaan mustaqbalka Kylian Mbappe oo Paris Saint-Germain ka tirsan, xiddiga French-ka ah ayaa ahaa mid mudooyinkii ugu dambeeyay si ba’an loola xidhiidhinayay bixitaan iyo inuu gaar ahaan ku biirayo kooxda Real Madrid.

Mbappe ayaa u muuqday mid ka baxaya gegida Parc des Princes dhammaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhaco qandaraaskiisu balse haatan arrimaha ayaa sidaas iska bedelay.

Advertisements

Warbixinaha ayaa sheegayay inuu xagaagii hore riixayay heshiis uu kaga tagayo kooxda balse PSG ayaa diiday inay bixiso waxaana ay xataa ku gacan saydheen dalab 134 Milyan oo pound ah oo ay Madrid ka heleen.

Taas bedelkeeda Paris ayaa Mbappe ku qiimaysay 175 Milyan oo pound taas oo sababtay in Los Blancos ay wax dalab ah oo kale ka gudbin waayaan.

Advertisements

Mbappe ayaa haatan u furan inuu si xor ah uga baxo PSG dhammaadka xilli ciyaareedkan, laakiin wargeyska The Telegraph ayaa shegaya inuu heshiis cusub u saxeexi karo haatan kooxdiisa.

Mbappe oo xilli ciyaareedkan 18 gool iyo 15 caawimo kooxda tababare Mauricio Pochettino ugu soo dhaliyay 26 gool ayaa la furay kooxdaas wadahadalo cusub.

Heshiiska ayaan ahayn sida heshiisyada kale oo ah mid mudo gaaban ah balse ugu yaraan Paris ayuu ka dagayaa culayska ah inay qaab bilaash ah ku lumiso 23 sano jirkeeda.

Agaasimaha ciyaaraha PSG ee Leonardo ayaa sheegay in Mbappe uu markasta ballanqaadi jiray inuusan qaab bilaash ah kooxda kaga tagi doonin, haddiiba uu xataa heshiis cusub saxeexo Mbappe ayaa la filayaa inay Madrid dalab kale ka gudbin doonto.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada