Barcelona Oo Heshiis 1 Bilyan Oo Euro Lagu Jabinayo La Gaadhay Dheemankii Xilli Ciyaareedkii Hore Laga Helay Camp Nou.

Pedri

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa qarka u saaran in ay heshiis lagu jabin karayo 1 bilyan oo Euro la gaadho mid ka mid ah dheemanta lagu helay Camp Nou xilli ciyaareedkii, kaas oo muddo kooban kaga mid noqday xiddigaha ugu wanaagsan ee ay haysato Barcelona.

Pedri

Sida uu ku warramay wariyaha caanka ah ee Fabrizio Romano, Barcelona ayaa heshiis soconaya illaa sannadka 2026 waxay la gaadhay laacibka da’da yar ee Pedri oo hore ay warbaahintu u sheegtay in waqtigan aanay kooxdu heshiis cusub la gaadhi karayn sababo la xidhiidha dhibaatooyinka dhaqaale iyo mushaharka uu laacibkani doonayo oo ay tahay in si weyn sare loogu qaado.

Barcelona ayaa u muuqata inay wax walba kala  heshiisay laacibkan, isla markaana qandaraaskiisa lagu daray qodob caddaynaya xilliga mushaharkiisa la kordhinayo oo dib loo dhigay maadaama waqtigan ay xaaladdu ku adag tahay kooxda.

Faahfaahin badan oo la xidhiidha heshiiska laacibkan ayaan wali dibedda usoo bixin, waxaase la ogyahay in uu kooxda kusii hayn doono laacibkan muddo lix sannadood ah oo kale.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah loo shaacin doonaa maalmaha soo socda, markaas ayaanay qodobbada oo dhamaystiran soo bixi doonaan.

Barcelona ayaa heshiiska ciyaartoygan ku dartay qodob ay kaga hor tegayso in kooxna soo haweysato inay la wareegto iyagoon ogolaanin, kaas oo ah in heshiiskiisa lagu burburin karayo 1 bilyan oo Euro, si ay uga hor tagaan in ay ku dhacdo sidii Neymar oo ay PSG €220 milyan oo Gini kaga qaadatay iyagoon raalli ka ahayn.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA