Waqtiga Ay Barcelona Shaqada Ka Caydhinayso Ronald Koeman Oo La Ogaaday

Koeman
Advertisements

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta iyo guddida kale ee fulinta ee kooxdaas ayaa go’aan ka gaadhay waqtiga shaqada laga caydhinayo tababare Ronald Koeman, kaddib bahdilaaddii Barcelona ay kala kulantay Benfica.

Ronald Koeman ayaa qirtay in aanu mustaqbalka kooxdu gacantiisa ku jirin oo hadda uu sugayo waxa ay yeelayaan Laporta iyo madaxda kale, laakiin waxa uu ku dooday in ciyaartoyda kooxdu ay garab taagan yihiin.

Advertisements

Koeman

Sida ay qoreen warbaahinta Spain, Ronald Koeman warqaddiisa caydhintu masoo bixi doonto illaa inta laga gaadhayo fasaxa kulamada caalamiga ah, waxaana fursad loo siinayaa inuu sii joogo illaa Sabtida.

Tababaraha reer Netherlands ayaa ciyaartiisii ugu dambaysay hoggaamin doona Barcelona, waana  kulanka adag ee ay Sabtida la ciyaari doonaan kooxda difaacanaysa horyaalka LaLiga ee Atletico Madrid.

Advertisements

Wargeyska Daily Mail, mustaqbalka Koeman way u dhamaatay laakiin waxa warqaddiisa caydhinta lala  sugayaa inta ay soo dhamaanayso ciyaarta Sabtida ee Atletico Madrid, waxaana go’aankiisa la gaadhay xilli hore.

Warka ayaa intaa ku daray in Ronald Koeman uu heli doono lacag 6 milyan oo Euro ah marka shaqada laga caydhiyo sidii uu dhigayay heshiiskii uu kula jiray naadiga.

Roberto Martinez ayaa ah dookha koowaad ee ay Barcelona u doonayso inuuu beddelo Koeman, waxay se kaliya doonayaan inay siiyaan mushahar gaadhaya £3.3 milyan oo Gini taas oo ay adag tahay in tababareyaasha waaweyn ee Yurub ay aqbalaan.

Si kastaba, Koeman ayaa Barcelona  hoggaamiyey 57 ciyaarood oo 37 ka mid ah ay guuleysteen, waxaanay miiska kala-sarraynta LaLiga kaga jiraan kaalinta lixaad halka Champions League aanay wax dhibic ah lahayn, goolna aanay dhalin, halka shabaqooda la taabsiiyey lix gool, lagana qaatay lix dhibcood.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA