Waatan Shaxda Ay Chelsea Doonayso Inay Premier League Ugu Taliso Xilli Ciyaareedka Dambe

Advertisements

Sida uu dhawaan baahiyay wargeyska The Telegraph, mulkiilaha cusub ee kooxda Chelsea ee Todd Boehly ayaa tababare Thomas Tuchel u ballanqaaday lix saxeex suuqa xagaagan.

Chelsea ayay tahay inay boosas badan iska xoojiso xagaagan gaar ahaan daafaca, ugu horreynba waxa baxay labadii daafac dhexe ee Andreas Christensen iyo Antonio Rudiger halka ay sii socdaan garbaha daafaca ee Azpilicueta iyo Marcos Alonso.

Advertisements

Aan ku bilawnee shaxda macquulka ah ee ay Blues xilli ciyaareedka dambe horyaalka ugu tartami karaan ayuu goolhaye ka yahay Edouard Mendy oo booskiisa sii xejisan doona.

Saddexleyda daafaca dhexe ayaa ah ruugcaddaa Thiago Silva oo haatanba kooxda jooga oo ay ka hareero muuqdaan Matthijs De Ligt (Juventus) iyo Jules Kounde (Sevilla) oo labadaba si weyn loola xidhiidhinayo Chelsea.

Advertisements

Garbaha daafac weerar ayaa ah xiddigaha dhaawacooda u jabtay Chelsea xilli ciyaareedkii tagay ee Benjamin Chilwell iyo Reece James oo labaduba doorkooda sii xejisan doona.

Burburiyaha khadka dhexe ayuu kasoo muuqday Declan Rice oo West Ham ka tirsan balse la filayo in Blues u dhaqaaqaan halka uu No.8 ka yahay shaxdan Mason Mount oo saaxiib dhaw la ah Rice.

Saddexleyda afka hore ee xulashadan ayaa dhammaantood cusub waxaana ay kala yihiin Raheem Sterling oo hal sano ka hadhay heshiiskiisa Man City, Ousmane Dembele oo qandaraaskiisa Barcelona shan maalmood ka hadheen iyo Richarlison oo u furan inuu Everton ka baxo.

Shaxda Oo Kooban: Mendy, Kounde, Silva, De Ligt, James, Chilwell, Rice, Mount, Sterling, Dembele iyo Richarlison

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada