Waxa shaaca laga qaaday aragtida Pierre Emerick Aubameyang ee xiisaha uu ka helayo kooxda Chelsea oo uu xifaaltan kala dhaxeeyo kooxdii uu hore kabtanka ugu soo ahaa ee Arsenal.
Barcelona ayuu suuqeeda ilaa haatan yahay mid cajiib ah iyadoo safkeeda kusoo xoojisay Robert Lewandowski, Raphinha, Andreas Christensen, Jules Kounde iyo Franck Kessie.
Barca ayaa doonaysa inay iska dirto tiro ciyaartoy ah si ay saxeexyadaas cusub La Liga uga diiwaan-gashato waxaana kamida xiddigaha albaabka Camp Nou la tusi karo Aubameyang.
Sida ay wararka qaar sheegayaan, Chelsea ayaa ah kooxda ay Barcelona saxeexa Auba u bandhigtay iyadoo saxafi Fabrizio Romano uu dhinaciisa sheegay in kooxda ree London ay wadahadalo ka gashay.
Haddaba, wargeyska Spain kasoo baxa ee Mundo Deportivo ayaa haatan sheegaya in Aubameyang uusan wax dareen ah oo uu Barcelona kaga tagayo uguna biirayo Chelsea qabin.
Wargeyska ayaa sheegaya in xiddiga ree Gabon uu xidhiidh wanaagsani kala dhaxeeyo weeraryahanka cusub ee kooxda ee Robert Lewandowski maadaama oo ay hore uga soo wada tirsanaayeen Borussia Dortmund.
Si lamid ah Lewandowski, 33 sano jirkaas ayaa xidhiidhka uu xiddigaha kale ee kooxda la leeyahay wanaagsan yahay gaar ahaan Ousmane Dembele oo ay isagana hore usoo wada meteleen Dortmund asxaab dhawna yihiin.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora