“Waar Xataa Fulham Boos Kama Helayo…” – Paul Merson Oo Jar-Jaray Xiddig Arsenal Iyo Arteta Kalsooni Weyn Siiyeen

Paul Merson
Advertisements

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa eedayn xoogan usoo jeediyay isaga oo aaminsan inuusan xataa kooxaha tayada hooseeya boos ka heli karin weeraryahan Eddie Nketiah.

Arsenal iyo tababare Mikel Arteta ayaa dhawaan kalsooni weyn u muujiyay Nketiah oo heshiiskiisu dhacayay iyaga oo qandaraas cusub oo ilaa 2027 ah ka saxeexday isla markaana siiyay maaliyada kooxdaas ugu qaalisan ee No.14.

Advertisements

Nketiah ayaa shan gool soo dhaliyay toddobadii kulan ee ugu dambeeyay Premier League xilli ciyaareedkii dhammaaday isaga oo ku qanciyay Arteta iyo maamulka kale in heshiis cusub la siiyo.

Paul Merson oo la hadlayay Daily Star ayaa sheegay inuusan Nketiah ahayn ciyaaryahan Champions League gaadhsiin kara Arsenal xilli uu xataa ku dooday inuusan boos ka heli karin kooxda dhawaan horyaalka usoo dalacday ee Fulham.

Advertisements

“Dhammaan waxa ay Arsenal haatan afka hore ku haysato ayaa ah Eddie Nketiah kaas oo dhawaan heshiis cusub saxeexay markii la filayay inuu bixi doono” ayuu yidhi Merson.

“Aniga oo aan ixtiraamdarro ku samaynayn Nketiah waa inuu Arteta ogaado inuusan ku gaadhsiinayn afarta sarre, gabi ahaanba wax fursad ah uma haysto, taasi waa xaqiiqo”.

“Isagu Everton kagama horraynayo Calvert-Lewin iyo Richarlison waxaana ay ku dhawaadeen inay heerka hoose u dhaadhacaan, isagu shaxda Fulham kagama horreynayo Mitrovic dhawaan ayayna soo dalaceen, anigu isaga ma weerarayo balse afarta sarre kuma gaadhsiinayo”.

Advertisements

Image

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada