Horyaalka Premier League waa mid ka mid ah horyaalada kubada cagta ee ugu waa weyn dunida, waxaana ka ciyaara kooxo badan oo tariikh leh. Hadaba waxaan maanta eegeynaa halka ay ka yimaadeen naaneesaha kooxaha waa weyn iyo sababta ka danbeysa.
Arsenal
Kooxda ka dhisan Waqooyiga London waxaa lagu naaneesaa The Gunners, waxayna naaneestaan ka timid warshada hubka ee Royal Arsenal ee ku taala Woolwich oo ah degmo koonfur bari ka xigta caasimada Ingariiska. Calaamada Arsenal waxaa ku dhex jirta madfac lagu maamuusayo warshadii iyada loogu magacdaray.
Chelsea
Waxaa lagu naaneesaa “The Blues” sababo la xiriira midabka maaliyadooda, waxaa sidoo kale loo yaqanaa “The Blue Lions” madaama libaad uu ka dhex muuqdo caalamdooda islamarkaana libaaxa uu astaan u yahay magaalada London.
Everton
Mid ka mid ah kooxihii aas-aasay horyaalka Ingariiska, Everton waxaa lagu naaneesaa ‘The Toffees’ sababtoo ah garoonkooda wuxuu ku dhinac yaalaa dukaaamo iibiya macmacaanka toffee.
Liverpool
Waxaa loo yaqaanaa “The Reds”, Liverpool waxay magacaan ku heshay midabka maaliyadeeda. Midabka waxaa kooxda u dooray halyeeygoodii Bill Shankly sannadkii 1964kii.
Manchester City
Kooxdaan waxay leedahay labo naanees oo si weyn loo adeegsado. Mid waa “The Skyblues” oo loola jeedo midabka maaliyadooda, halka midka kale uu yahay “The Citizens” waana naanees ay doonayaan inay isaga fogeeyaan derikooda Man United oo ay kaliya afar kiilomitir isku jiraan.
Manchester United
Kooxdaan waxaa markii hore lagu naaneesi jiray “Busby Babes” oo tixraac u aheyd ciyaartoydii waa weynaa ee ka hoos ciyaareysay tababare Matt Busby. Naaneestaan waa ay iska bedeshay kooxda markii qaar ka mid ah ciyaartoydaas ay ku dhinteen shilkii diyaaradeed ee Munich waxayna qaateen naaneesta “Red Devils”.
Naaneestaan waxaa dooray tababare Matt Busby kaasoo jeclaa koox ciyaarta kubada Rugby oo ka dhisaneyd Salford oo ku ciyaareysay maaliyada casaan ah loona yaqaanay “The Red Devils”. Busby ayaa ku qancay naaneestaan isagoo aaminsanaa inay cabsi gelineyso kooxaha ka soo horjeeda.
Tottenham Hotspur
Henry Percy oo ahaa xubin muhiim ah oo milatari intii uu socday dagaalka Ingariiska iyo Scotland ayaa sidoo kale loo yaqaanay Harry Hotspur, waana halka uu ka Timid naaneesta “Spurs” ee Tottenham.
Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora