Waa Kuwee Labada Ciyaartoy Ee Ka Faa’iidaya Dhaawacyada Romelu Lukaku Iyo Timo Werner?

Advertisements

Chelsea ayay xalay ka dhaawacmeen labada ciyaartoy ee Timo Werner iyo Romelu Lukaku intii ay socotay ciyaartii Champions League ee ay kooxda Malmo ku garaaceen 4-0. Weeraryahannadan ayaa garoonka laga saaray qaybta hore kaddib markii ay sii wadan kari waayeen ciyaarta.

Sida uu Thomas Tuchel xaqiijiyey, Lukaku waxa uu ka dhaawacmay kuraanta oo liicday markii uu difaaca Malmo ee Lasse Nielsen uu ku qabtay taakal adag isaga oo ku jira xerada ganaaxa, sidaana loogu dhigay rikoodhe, halka Timo Werner uu muruqa dhaawac kasoo gaadhay.

Advertisements

Kooxdu wali ma aanay sheegin waqtiga rasmiga  ah ee ay garoomada ka maqnaanayaan xiddigaheedan, laakiin Tuchel ayaa si kooban u yidhi: “Maalmo ayay maqnaanayaan”, mana sheegin tirada maalmahaas inta ay noqon karayaan.

Chelsea waxay haysataa ciyaartooyo tiro badan oo boos walba ah, waxaana fursaddan ka faa’iidaysan doona laba xiddig oo kursiga kaydku daashaday, kuwaas oo jidhiiba noqday labada beddelay markii ay dhaawacmeen.

Advertisements

Xiddigii hore ee Chelsea ee Joe Cole ayaa sheegay in Kai Havertz iyo Hudson-Odoi ay noqon doonaan kuwa ka faa’iidaysan doona dhaawacyada Lukaku iyo Werner, isla markaana la  gaadhay waqtigoodii.

“Waligaa ma doonaysid inaad weydo labadaada weerar dhexe, laakiin haddiiba aad luminayso, waxay tahay inaad weydo marka ay kulamo fudud kugu soo aaddan yihiin. Waa ciyaaro ay guuleysan karayaan.” Ayuu yidhi Cole.

Waxa uu intaa ku daray: “Tuchel waxa uu sheegay inay guuleysan doonaan Timo iyo Romelu la’aantood. Ciyaartoyda sida Kai Havertz iyo Callum Hudson-Odoi ayaa yimid caawa [xalay], saamayn ayay ku yeesheen ciyaarta, laakiin miyey samayn doonaan sidaas Sabtida?”

Joe Cole waxa uu ku adkaystay in labadan ciyaartoy ay tahay inay is muujiyaan si ay u heli karaan boosas joogto ah xataa marka ay soo kabtaan Lukaku iyo Werner.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA