Waa Kuwan LABADA Daafac Dhexe Ee Uu Erik Ten Hag Kala Hadlay Maamulka Man United Toddobaadkan

Advertisements

Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United ee Erik Ten Hag ayaa u muuqda mid dajinaya qorshayaal deg-deg ah si uu xilli horeba usii meel dhigo saxeexyada uu doonayo inuu xilli ciyaareedka dambe ku xoojiyo kooxdiisa.

Sida laga warqabo, Manchester ayaa xagaagan isbedelo waaweyn ku samayn doonta kooxdeeda balse bartilmaameedyada ugu horreeya ayaa kala ah daafac dhexe, daafac midig, khad dhexe iyo weeraryahan dhexe.

Advertisements

Ten Hag oo aad moodo inuu ugu horreynba doonayo inuu xaliyo saxeexa daafac dhexe ayuu saxafi Fabrizio Romano sheegayaa inay jiraan laba daafac dhexe oo magacyadooda uu kala hadlay maamulka kooxdaas 48-kii saacadood ee ugu dambeeyay.

Labada daafac ee uu ETH miiska u saaray Manchester United ayaa kala ah Jurrien Timber oo uu Ajax kula soo shaqeeyay iyo daafaca dhexe ee Villarreal ee Pau Torres.

Advertisements

Bartilmaameedka koowaad ayaa haatan u muuqda 20 sano jirka Dutch-ka ah ee Timber oo uu Ten Hag aqoon ugu leeyahay wakhtigiisii Ajax balse warar kale ayaa sheegaya in United ay gudbisayba dalabka Torres.

Pau Torres ayay warbixinuhu xusayaan inuu doonayo inuu u wareego Man United isaga oo markale diidi kara Tottenham oo uu suuqii xagaaga ee sanadkii horeba ka doorbiday inuu iska sii joogo Villarreal.

Romano ayaa sheegaya in Man United ay maalmaha soo socda go’aamin doonto saxeexa daafaca dhexe ee ay doonayso inay u dhaqaaqdo ugu horreynba.

Advertisements

Image

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada