Waa Kuwan AFARTA Weeraryahan Ee Ay Midkood Lasoo Saxeexan Karto Real Madrid

Advertisements

Real Madrid ayaa doonaysa saxeexa weeraryahan cusub kahor xidhitaanka suuqa xagaagan waxaana jira liis afar dhaliye ah oo ay midkood la wareegi karto.

Sida uu sheegayo il-wareedka Directo Gol, afarta weeraryahan ee ay Madrid kala dooranayso ayaa ah Timo Werner, Edin Dzeko, Raul de Tomas iyo Benjamin Sesko si uu midkood kaabis ugu noqdo hoggaanka weerarka kooxdaas ee Karim Benzema.

Advertisements

Mariano Diaz ayaa ah haatan weeraryahanka labaad ee Madrid balse wuu baxayaa kaddib markii uu awoodi waayay inuu markiisii labaad isku muujiyo Los Blancos, Diaz ayaa 12 gool iyo saddex caawimo soo sameeyay 73 kulan oo uu kooxda ree Spain usoo ciyaaray.

Celta Vigo ayaa doonaysa saxeexa Mariano, Real Madrid ayaa sidoo kale gudaha suuqan iibisay labada weeraryahan ee kala ah Luka Jovic oo Fiorentina ku biiray iyo Borja Mayoral oo ka degay Getafe.

Advertisements

Werner ayaa isagu ah mid u furan inuu iskaga tago Chelsea si uu fursad uga helo koobka aduunka xulkiisa Germany, kooxda aadka loola xidhiidhinayo ayaa ah ku laabashada RB Leipzig.

Raul de Tomas oo isagu hore uga soo baxay da’yarta Madrid ayay warbaahinta Spain sheegayaan inuu waxkasta u samayn doono si uu ugu soo wareego Real.

Benjamin Sesko ayaa wacdarro ku dhigaya kooxdiisa RB Salzburg waxaana uu sidoo kale xiiso ka helayaa kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Dzeko ayaa la filayaa inuu hoos uga dhici doono xulashada shaxda Inter Milan maadaama oo uu halkaas heshiis amaah ah ugu laabtay Romelu Lukaku.

Advertisements

Image

Image

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada