Waa Kuma Xiddiga Uu Gareth Southgate Ka Yidhi: “Waa Ciyaartoy Aynu Dhamaanteen Jecelahay”

GettyImages
Advertisements

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa ku sifeeyey mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee xulkiisa ku tilmaamay ‘ciyaartoy ay dhamaantood wada jecel yihiin’, kaas oo haddana aanu wali ku darin liiska xulka.

Advertisements

0 GettyImages 1320808146

Gareth Southgate oo maanta shaaciyey liiska ciyaartoyda xulka ee kulamada caalamiga ah ee bisha October ayaa waxa la su’aalay sababta uu xulka ugu soo dari waayey Emile Smith-Rowe oo bandhig wanaagsan ka sameeyey kulamadii horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan gaar ahaan kulankii Tottenham ee toddobaadkan horraantiisii.

Intii uu shirka jaraa’id ka hadlayay, waxa Southgate oo la weydiiyey Emile Smith-Rowe uu ku jawaabay: “Waa ciyaartoy aynu in badan jecelnahay.”

Mar la weydiiyey sababta uu xulka ugu soo dari waayey, waxa uu ku jawaabay: “Aadayuu ugu dhow yahay inuu qayb ka noqdo xulka qaranka, laakiin waqtigan ma doonayo inaan keeno ciyaartooyo da’yar oo intan ka badan. Ciyaartiisii Tottenham aad ayay u fiicnayd.”

Waxa kale oo uu Gareth Southgate ka hadlay difaaca Arsenal ee Ben White oo ka mid ahaa ciyaartoydii xulka qaranka ee Euro 2020 ee liiska hore ee 26ka ahaa, laakiin haddana markii dambe laga reebay.

“Ben White bandhig fiican ayuu sameeyey kulankii Totrenham, walina wuxuu ku jiraa marxaladdii uu kula qabsan lahaa kooxda cusub. Laakiin waxa uu muujinayaa calaamado wanaagsan, si dhow ayaananu ula soconaa.”

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA