Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ee Uu Xataa Xavi Hernandez Ugu Hambalyeeyay Bandhigiisii El-Clasico?

Advertisements

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayay warbixino cusubi sheegayaan inuu amaanta ka haysan bandhigii uu kulankii afar dhammaadka Spanish Super Cup ee El-Clasico ka sameeyay weeraryahanka Real Madrid ee Karim Benzema.

Kaddib markii uu qaab ciyaareed heer sarre ah kasoo sameeyay ciyaartaas Clasico, Benzema ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa kulanka.

Advertisements

34 sano jirkaas ayaa u muuqda mid wakhtiba wakhtiga ka dambeeya sii fiicnaanaya, Barcelona oo uu xifaaltan gaar ahi kala dhaxeeyo ayuu habeen hore magaalada Riyadh ku tusay sababta uu u yahay mid kamida kuwa ugu fiican dunida wakhtigan.

Benzema ayaa kulankaas ku bilawday inuu goolka koowaad ka caawiyay Vinicius jr, intaas kaddib ayuu birta garaacay, gool kale dhaliyay sidoo kale fursado aad u badan abuuray.

Advertisements

Qaab ciyaareedkaas ayaa sababay in dhammaadkii kulanka la arkay Xavi oo u hambalyaynaya Benzema. Benzema oo u muuqda mid masuuliyadiisa sii korodhay ee Los Blancos dareensan ayaa ahaa mid meelo badan ka muuqday sida inuu garabka goolka kubadda kasoo shaqeeyo iyo inuu weerarka dhexe kasoo dhalaalo.

Taatikada Real Madrid ee kulankaas ayaa si fiican u shaqaysay iyaga oo min bilawgii ciyaarta ku talo-galay inay dib ugu fadhiistaan Barcelona oo ay weerarka rogaal celiska ah ku dilaan.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada