Waa Kuma Xiddiga Layaabka Ku Riday Jurgen Klopp Ee Uu Rumaysan Kari Waayey Inuu Sidaas U Wanaagsan Yahay

Advertisements

Jurgen Klopp ayaa la yaabay tayada iyo kubadda ku jirta mid ka mid ah ciyaartoydiisa Liverpool, kaas oo aanu moodayn in uu sidaas oo dhan u wanaagsan yahay.

Liverpool ayaa xagaagan la saxeexatay saddexda ciyaartoy ee Darin Nunez, Fabio Carvalho iyo Ramsay oo ay kasoo qaateen Benfica, Fulham iyo Aberdeen, waxaanay shalay bilaabeen in ay tababarka la qaataan ciyaartoyda kooxdooda cusub.

Advertisements

Reds ayaa dhinaca kale lumisay Sadio Mane, Divock Origi iyo Takumi Minamino, waxaanay Liverpool iibisay laba ka mid ah ciyaartoydan halka midka saddexaadna uu ku baxay qaab xor ah, waana Origi oo soo afjaray siddeed sannadood oo uu ku sugnaa Anfield.

Klopp ayay kooxdiisu £85 milyan oo Gini kasoo bixisay Darwin Nunez oo buuxinaya booska uu banneeyey Sadio Mane, waxaana uu weeraryahanka reer Uruguay noqday laacibkii ugu qaalisanaa taariikhda Liverpool isaga oo dhaafay Virgil van Dijk oo sannadkii 2018 ay Liverpool ku iibsatay £75 milyan oo Gini.

Advertisements
Advertisements
Nunez ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu laba  jeer ka hor tegay Liverpool oo ay kooxdiisa Benfica isku dhaceen wareeggii siddeedda ee Champions League, waxaana uu ka dhaliyey goolala labadii lugoodba.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Jurgen Klopp ayaa layaabay dhamaystirka, tayada iyo kubadda ku jirta Darwin Nunez, waxaana uu markiiba bilaabay in uu taageere u noqdo laacibkan oo uu markii dambe go’aansaday inuu kooxdiisa  keeno.

Darwin Nunez ayaa xilli ciyaareedkii tegay waxa uu Benfica u dhaliyey 33 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaana markii ay la saxeexanaysay Reds ay ogeyd in kooxda reer Spain ee Real Madrid ay doonaysay laacibkan laakiin ay uga hadhay caqabad dhinaca baasaboorkiisa ah oo uu sharciga LaLiga diidayo in wax ka  badan saddex laacib ay diiwaangashan karaan, kuwaas oo hore uga buuxiyeen Vinicius Junior, Rodrygo iyo Eder Militao.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada