Waa Kuma Xiddiga Halbawlaha U Ah Barcelona Ee Shakigu Ku Jiro Haddii Uu El-Clasico Diyaar U Yahay?

Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa wadnaha farta ku haysa kahor kulamo muhiim u ah dib usoo noolaynta xilli ciyaareedkeeda oo kusoo wajahan, Barca ayaa si xidhiidh ah iskugu mari doonta Valencia, Dynamo Kiev iyo Real Madrid oo dhammaantood ka dhacaya Camp Nou.

War aan fiicnayn oo ay helayaan jamaahiirta kooxdaasi ayaa ah inuusan wali taam buuxa ahayn mashiinka khadka dhexe ee Pedri isla markaana uu shaki ku jiro haddii uu kahor tagi karo Real Madrid 24-ka bishan October.

Image

Pedri ayuu dhaawac muruqa ahi ka haleelay bawdada bidix kulankii Champions League ee ay Benfica lasoo ciyaareen, 18 sano jirkaas ayaan Isniintii iyo Salaasadii shalay iyo dorraad midna wax tababar ah lasoo samayn xiddigaha kale ee kooxda.

Pedri ayaan wax tababar ah samayn doonin ilaa shaqaalaha caafimaadku ku qancaan inuu soo kabtay. Xiddigii hore ee kooxda Las Palmas ayaan la filayn inuu kahor tagi doono Valencia iyo Dynamo Kiev toddobaadka dambe iyadoo laga taxadarayo xaalkiisa.

Ujeedada Barcelona ayaa ah inuu taam u noqdo kulanka El-Clasico balse taas qudheeda ayaa la hubin doonaa. Kun Aguero ayaa la filayaa inuu kasoo muuqan doono kulamada soo socda xilli Ousmane Dembele isagu uu mudo kooban sii sugi karo iyadoo Ansu Fati dhinaciisa uu hadda taam u yahay inuu kusoo bilawdo shaxda asaasiga ah.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA