Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Doonaya Inuu Ku Biiro Real Madrid Xataa Haddii Uu Keyka Fadhiyayo?

Advertisements

Chelsea waa mid kamida kooxaha dhaq-dhaqaaqa ugu badani ka dhacayo haddii ay noqoto xiddigaha ka baxaya oo aad u badan iyo kuwa kusoo biiraya oo haatan la filayo inay bilaabmaanba.

Hadda sida ay sheegayaan warbixino cusubi, weeraryahanka Chelsea ee Timo Werner ayaa la xidhiidhay Real Madrid isaga oo u dhex maraya wakiilkiisa.

Advertisements

Timo oo 26 sano jir ah ayaa Blues kaga soo biiray kooxda RB Leipzig oo uu 93 gool usoo dhaliyay 158 kulan oo uu usoo ciyaaray waxaana la filayay inuu gool dhalintaas heerka sarre ah kusii wato London.

Laakiin Werner ayaa awoodi waayay inuu gool dhalintaas kusii wato Chelsea isagoo ku qasbay inay kooxdu xagaagii horeba lacag badan kasoo bixiso Romelu Lukaku oo qudhiisu fashilmay.

Advertisements

Real Madrid ayuu xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2021-22 u ahaa mid guul ah oo ay soo wada hanatay Champions League iyo horyaalka La Liga.

Hoggaanka guulahaas ayaa ahaa weeraryahan Karim Benzema oo 44 gool iyo 15 caawimo soo sameeyay tartamada oo dhan balse inuu jiro da’da 34 sano ayaa ka dhigan inaan si buuxda loogu tiirsanaan karin.

Sida uu sheegayo wargeyska El Nacional, Werner ayaa diyaar u ah inuu xataa kaabis u noqdo Benzema xilli ciyaareedka dambe oo uusan dookha koowaad ahaan.

Chelsea ayaa dhagaysan doonta dalabaadka ku dhaw 50 Milyan oo euro ee laga soo gudbiyo Werner waana lacag ku dhaw midii ay Leipzig kagala soo wareegeen.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada