Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Noqon Kara Saxeexa Ugu Horreeya Ee Waayaha Cusub Ee Newcastle United?

Advertisements

Newcastle United ayaa shalay si rasmi ah u shaacisay inay shaqadii kooxdeeda ka caydhisay tababare Steve Bruce oo ahaa mid la filayay in la diri doono tan iyo markii ay kooxda dhawaan la wareegeen Bilyaneerada reer Sacuudi.

Steve ayaa toddobaadkan kahor tagay kooxda Tottenham balse guuldarro 3-2 ah lasoo kulmay, iyadoo lagu wado in qorshaha kooxda ee waayaheeda cusubi uu bilaabmi doono bisha January ayay haatan jiraan xiddigo badan oo heer sarre ah oo lala xidhiidhinayaa.

Advertisements

Garabka weerar ee Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa la sheegayaa inuu noqon karo saxeexa koowaad ee kooxdu samayso, shabakadda Goal ayaa sheegaysa in xiddiga Barca uu u furan yahay inuu Magpies ku biiro xagaaga dambe xilli mustaqbalkiisa Camp Nou uusan wali caddayn.

Dembele ayaan wali wax heshiis ah oo cusub la meel dhigin maamulka sarre ee Barcelona xilli qandaraaskiisii hore yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Kaddib inaan wali wax xal ah laga gaadhin arrimaha heshiis kordhintiisa, waxa soo kordhaya wararka sheegaya inuu koox cusub raadsan karo.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Spain, waxa la aaminsan yahay in wakiilka Ousmane uu durba wadahadalo la bilaabay Newcastle United.

Xogaha ayaa sheegaya in Dembele mushahar ahaan loo siin doono 12.6 Milyan pound si uu ugu wareego gobolka Tyneside, sidoo kalena abaalmarin loo siin doono 12.6 Milyan oo kale waana dalab ay adagtahay in la diido.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada

WARARKA MAANTA